Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland IDPS Graduate With Technical Skills Plus Recieving Housing Projects. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Sawirro) Xarunta GECPD oo Shahaadooyin iyo abaalmarino guddoosiisay arday ka qalinjabisay Farayaamada iyo Farsamada Birta.

Posted by Pi G 2 on April 19th, 2012

 

Gaalkacyo (puntlandi.com):- Xarunta Nabadda iyo horumarinta Waxbarashada Gaalkacyo ee GECPD ayaa Shahaadooyin iyo abaalmarino guddoosiisay 40 arday oo ka qalinjabisay Koorsooyinka Farayaamada iyo Farsamada Birta.

 

Ardaydan ka qalinjabisay Koorsooyinka Farayaamada iyo Farsamada Birta ee xarunta GECPD ayaa dhamaantood ahaa Wiilal, waxaana mashruucani maalgalinayay hay’adda UNHCR iyo Dawlada CANADA, Dhamaan ardaydani faa’idaystay koorsadan ayaa ah dhalinyarada barakacayaasha ah.

 

Xarunta GECPD waxay soo bandhigtay Waxqabadkii ardaydan intii ay tababarkan ku jireen iyo Alaabtii ay sameeyeen oo ahayd mid aad u qurux badan muujinaysana khibrada dheeraadka ah ee ay ardaydu ka heleen tababarkan isuguna jirtay, Santuuqyo, Dhar, Ganjeelo, Daaqado, Adeegyada Farmaajada.

 

Munaasabadii guddoonsiinta Qalabka iyo abaalmarinta ardaydan waxaa ka soo qaybgalay Wakiilo ka socda hay’adda UNHCR iyo Dawlada CANADA, Maamulka iyo Macalimiinta xarunta GECPD, Waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo farabadan.

 

Dhamaan Masuuliyiintani oo Munaasabadan ka hadlay waxay aad ugu dheeraadeen muhiimada ay leedahay farsamada gacanta ee dhalintan lagu tababaray iyo dadaalka dheer ee ay xaruntu ku bixisay iyadoo kaashanaysa hay’adaha Caalamiga ah.

 

Masuuliyiintu waxay dhalinyarada kula dardaarmeen in ay farsamadan la baray ku shaqaystaan islamarkaana ay uga faa’ideeyaan deegaanka iyo dadkaba.

 

Koorsadani oo socotay mudo 6 bilood ah ayaa ka mid ah dadaalada xarunta GECPD ay kor ugu qaadayso xirfada gacanta ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Daawo Sawirrada:-

 

78.jpg

79.jpg

80.jpg

81.jpg

82.jpg

130.jpg

131.jpg

132.jpg

133.jpg

134.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

134.jpg

143.jpg

144.jpg

145.jpg

146.jpg

147.jpg

140.jpg

139.jpg

142.jpg

 

This is wat you can aptly call a nation at work in every sector of society it don't matter if your resident from other regions of somalia or if your an IDP or if your a citizen. It doesn't matter if your teacher, police, army, politician, business man, religious cleric, labourer, educated elite. It doesn't matter if your in major cities or remote towns(off road projects) Its a nation at work in every sector of society. Wa arin lala yaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Boosaaso ( APL ) : Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa la fuliyey dhismayaal caawima ah oo loo dhisay Dadka Danyarta iyo Barakacayaasha ee magaaladaas,waxaana munasabada furitaanka guryaha kazoo qaybgalay masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Hay,adda NRC .

 

Hay'ada NRC ayaa qaar kamida dadka danyartaa ee ku nool duleedka Magaalada Boosaaso deegaanada dadka Barakacayaashaa ku wareejisay Guryo ka samaysan Jiingado kuwaas oo loogu tala galay in lagu badalo Hoy dayacan oo ay ku noolaayeen.

 

Dadka Barakacayaashaa ee ku sugan Magaalada Boosaaso deegaanada loo barakacay ayaa waxaa ay ku nool yihiin guryo ka samaysan Cooshado kuwaas oo halis u ah Gubashada,awoodna ay u malayn in dadka ku hoos nool uu ka kaafiyo inay isbadbadalka Cimilada Boosaso kaga baxaan.

 

Franc Misidor oo ah Madaxa NRC Puntland ayaa sheegay in Qoysaska ay hay,addu u dhistay Guryahan ay tiradoodu dhantahay 1,231 Qoys oo kamida dadka kazoo barakacay Gobolada Dhexe ee soomaaliya, kuwaas oo aan gabaad wanaagsan ku haysan halkii ay hore ugu noolaayeen.

 

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide ayaa uga mahadceliyey dhismahaan madaxda hay,dda NRC oo uu sheegay in ay ahmiyad wayn u leedahay arintaan guud ahaan dadka soomaalida ah ee ka faaiidaystay ,waxaa sidoo kale uu gudoomiyuhu xusay in Goobaha Barakacayaasha oo inta badan ka dhisnaa ay xiliyada dabayluhu dhacaan uu dab absanjiray tasoo looga gudbay dhismayaal ka duwan oo ay hirgalisay hay,adaani.

 

Caasha Cali oo kamid ah dadka Marshuucaan ka faa'iidaystay ayaa sheegtay in ay baahai weyn u baahnayeen adeegyada ay ka midyihiin Biyo ,Cunto iyo Hoy ay ka galaan qoraxda kulaylka iyo Roobabka. "Waxaan u baahanahay in nala siiyo Biyo iyo cunto & bacaha laga hoos galo cirida,waxaan codsanaynaa in hoyga nala siiyay lagu dhajiyo safiito Madaama Magaaladan ay tahay mid kulul".

 

Dadka barakacayaashaa ee Boosaaso ku sugan ayaa sidoo kale sheegay in guryahaan ay hakinayaan gubashada ka dhacda kaamamka wakhtiyada dabayshu ay ka kacdo Magaalada Boosaaso ayna ku basbeeli jireend iyo duunyo badan .

 

Dhismayaashaan ka samaysan Jiingada ayaa waxa ay yihiin kuwo xiligaan oo kulaylaa aaan dadku ku dhexnoolaan Karin iyadoo Boosaaso ay tahay meel cimiladeedu inta badan tahay meel kulayl xigeen ah,waxaana ay dadka dhismahan helay ugu baqayaan hay,adda Gacanta ka gaysatay iyo Maamulka Puntland in laga caawiyo hrlitaanka biyo nadiif ah.

 

Xafiiska Wararka All-Puntland Boosaaso

 

156.jpg

158.jpg

159.jpg

157.jpg

160.jpg

161.jpg

162.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this