kingofkings Posted April 18, 2012 Goor dhow waxaa magaalada Garoowe kusoo gaba gaboobey aftida loo qaadayo Dastuurka cusub ee Puntland. Dhamaan ergada laga soo xulay gobolada, doladda, qurbejoogta iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu codeeyey Dastuurka Haa. Aftida oo u dhacday sidii loogu tala galay ayaa kusoo gaba gabodey guul iyadoo natiijadana uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland. Waxayna cod bixintu u dhacday sidan: Bari 92Haa/ 1Maya Punsaa 5 Haa Qurbe-joogta 5 Haa Dowlada 99 Haa /1Maya Mudug 51Haa/ 2 Maya Nugaal 53 Haa Sanaag 84 Haa/ 2 Maya Sool 83 Haa Wadarta guud: 472 Haa / 6 Maya Waa markii ugu horeysey ee ay Puntland yeelato Dastuur cusub oo noocan oo kale ah, Dastuurkan ayaa noqonaya mid Puntland ku haga nidaamka maamulka ee Dumuqraadiga ah iyo doorashooyinka ku salaysan nidaamka axsaabta badan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 18, 2012 Now PL needs to take the next step....:cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 18, 2012 Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Garoowe maanta loogu soo gabgabeeyay Shirkii Afti u qaadista Dastuurka Puntland oo maalmahan doodiisu socotay. 472 xubnood ayaa haa ugu codaysay anisixnta dastuurka Puntland halka 6 qofna ay diiday oo ay maya ku codaysay, waxaana ansixinta dastuurka Puntland goobjoog ka ahaa Madexda Sare ee Dawlada Puntland, Wafuud ka kala socotay Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wadamada Talyaaniga, Ethiopia, Yogislavia, iyo qaar ka mid ah hay'adaha Caalamiga ah ka hawgala deegaanada Puntland. Shirka ayaa intii uu socday waxaa masuuliyiintu ka soo jeediyeen khudbado aad u dhaadheer oo la xiriira muhiimada uu dastuurku leeyahay iyo mansabkan cusub ee dawlada Puntland ay gaadhay. Dhamaan ka qaybgalayaashu waxay aad uga hambalyeeyeen dadaalkan dheeraadka ah ee lagu bixiyay hirgalinta qorshan loogu gudbayo habka dimoqraadiyada iyo siyaasadan cusub, waxayna bulshada iyo Dawlada Puntland ugu hambalyeeyeen sida ay uga dhabeeyeen in ay heer wanaagsan gaarsiiyaan siyaasada deegaanka iyo xuquuqda muwaadinka Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites