Sign in to follow this  
kingofkings

Minister of Commerce from TFG visits Puntland

Recommended Posts

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa galabta 17,April 2012 duleedka Garowe ku soo dhaweeyey wafdi ka socday DF Somalia uuna horkacayey raysal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

 

Wasiiro ka tirsan Puntland sida Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi ,Gaadiidka & Hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif,Beeraha Eng.Maxamuud Xaaji Salax iyo Deegaanka Cabdiqani Yuusuf ayaa wafidgan ka qaybqaatey soo dhaweyntooda waxana weheliyey Ugaaska Wasiiru dawlayaal ka tirsan xukuumadda Somalia.

 

Xildhibaan Cabdirisaaq Juurile oo kamida mudanayaasha barlamanka Puntland ayaa wafidga qayb ka ahaa.

 

Ujeedka socdaalka wafdigani Garowe ku yimid ayaa lagu micneeyey ka qaybgalka munaasabada daaha lagu soo rogayo afti u qaadida dastuurka Puntland oo lagu wado inay beri ka dhacdo hoolka Barlamanka Puntland ee Garowe.

 

Waxana la filayaa in masuuliyiin kala duwan iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobeyba ka soo qaybgalayaan munaasabada ansixinta dastuurka Puntland.

 

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa ergo gaareysa 480xubnood oo laga kala soo xuley dhamaan gobollada Puntland waxay falanqaeyn iyo doodo ka yeelanayeen qodobada uu ka koobanyahay dastuurka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this