Sign in to follow this  
Mukulaalow

Where is Mr Gaagaab?

Recommended Posts

Gaagaab Oo Ku Jira Ergada Ansixinta Dastuurka Xafladdii Furitaanka Kadibna Aan Hoolka Lagu Arkin

 

Madaxweyne kuxigenkii hore ee Pntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa lagu dhex arkay safafka hore ee ergada ansixinta dastuurka Puntland.

 

Gaagaab ayaa waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii ka biya diidsanaa ansixinta dastuurka iyo muda-kororsiga xukuumada uu hogaaminayo Dr faroole waxaana sidoo kale uu qayb ka ahaa mucaaradka xukuumada Puntland ee ka soo horjeeday nidaamka geedi socodka dimoqraadiyada Puntland .

 

Sidoo kale Gaagaab mudooyinkii danbe waxaa uu hurmuud ka ahaa shirar iyo kulamo ka dhacayay magaalada Gaalkacyo oo looga soo horjeeday shirka ansixinta dastuurka iyo xil-kororsiga dawlada Puntland waxaana uu warbaahinta dhawr jeer u sheegay mawqifkiisa ku aadan ka qayb galka iyo taageerida shirkan isagoo sheegay in uu yaay mid sharci daro ah isla markaana dano gaar ah laga leeyahay.

 

Ka qayb galka siyaasi maxamed cali yuusf gaagab shirka ansixinta dastuurka Puntland ayaa noqotay mid fajac iyo amakaak ku beertay dad badan oo indha indheeya siyaasada iyadoona haatan dadku ay isweydiinayaan sababta uu u badalay mawqifkiisi ahaa in uusan taageersanyn shirkan iyo muda-kororsiga xukuumada faroole.

 

Dhanka kale wararka aanu ka helayno hoolka shirka uu ka socdo ayaa sheegay in Mr Gaagaab uusan ka soo qayb galin labadii maalmood ee ay doodu ka socotay ansixinta dastuurka iyadoo ilaa iyo haatana aan la xaqiijin sababta rasmiga ah ee ka danbaysa maqnaanshihiisa isagoo ka mid ah ergada ansixinta Dastuurka.

 

Hase yeeshe waxay wararku intaasku darayaan in Mr Gaagaab uu shirar la yeeshay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada Puntland waxaana ilaa iyo haatan aan cadayn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan masuuliyiinta ka tirsan dawlada iyo siyaasi Gaagaab.

 

27-kii bishii March ayeey ahayd markii shir gooni ah ay ku yeeshen magaalada gaalkacyo Madaxweynaha puntland iyo siyaasi Gaagaab waxaana wixii ka danbeeyay shirkaas soo ifbaxayay warar sheegaya in madaxweyne Faroole uu u balan qaaday in uu xil u dhiibo maxamed Cali yuusuf (Gaagaab).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

in nairobi the story is gaagaab realized suicide bomb that happened to abdiweli was made possible by ala-sheekh. he was working with aala-sheekh group to oppose faroole but he realized they are despicable people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this