Sign in to follow this  
Dr_Osman

German Ambassador Arrives In Garowe For The Historic Constitution Day. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Safiirka Jarmalka ee u qaabiæsan Soomaaliya oo Puntland ku yimid Safar aan horay Loo shaacin.

Posted by Pi G 2 on April 16th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- Safiirka Jarmalka ee Wadanka Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Safar aan horay loo shaacin ku yimid Magaalada Garowe ee xarunta Dawlada Puntland maalinimadii shalay ahayd.

 

Wafdigu markii ay soo gaareen Magaalada Garowe waxay kulan la qaateen Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuuf Faroole iyo xubno kaloo ka tirsan Dawlada, waxayna ka wada hadleen arrimo farabadan oo la xiriirta horumarinta iyo Burcad badeeda.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah oo shirkan goobjoog ka ahaa Labada dhinac waxay aad ugu dheeradeen arrimaha burcad badeeda iyo Ladagaalankooda, waxayna isla meel dhigeen qodobo farabadan oo dhamaantood ku salaysan la dagaalanka Burcad badeeda, goobaha lagu xiro marka la soo qabto ama la maxkamadeeyo iyo arrimo kaloo farabadan.

 

Kulankan Wafdiga Jarmalku ay la qaateen Madexweynaha Puntland oo ahaa mid Saxaafadu aysan goobjoog ka ahayn hadana sida aanu xogta ku helayno maanta wafdiga Jarmalka iyo Madexda Dawlada Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Bada iyo La-dagaalanka Burcad badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage oo wada jira ayaa waxay booqanayaan Xabsiga Cusub ee laga dhisayo duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland halkaas oo la filayo in ay burcad badeedu qayb ka noqoto Dadka lagu haynayo.

 

Lama shaacin mudada safarka Wafdiga Jarmalka ee Puntland ay qaadanayso waxaase la filayaa in ay gabagabada booqashadoodan iyo kulamada ay Madexda Dawlada la leeyihiin Saxaafada la hadlaan islamarkaana ay ka warbixiyaan ajandaha guud ee Imaatinkooda.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Michael Hasenau

 

16 Apr 16, 2012 - 2:07:20 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa 15,April 2012 la kulmey ku xigeenka safiirka u qaabilsan Germany dalalka Kenya iyo Somalia Mr. Michael Hasenau.

 

Kuxigeenka madaxweynaha Gen.Cabdi samad Cali Shire,Wasiro ka tirsan xukuumada ,taliyaasha booliska & asluubta ,agaasimayaal ayaa dhinaca Puntland ka qaybgalay kulanka safiirka iyo madaxweynaha halka dhinaca kale ay joogeen xiririyaha Qaramada Midoobey la dagaalanka burcad badeeda Mr.Alan Cole ,la taliyaha saxaafada UNODC Weyne Miller iyo Eng,Trevor Sway madaxa waaxda dhisitaanka hayada UNOPS.

 

Ujeedka socdaalka ayaa ilo wareedyo u dhuun daloola booqashada u shegeen Garowe Online sidii Germany dhaqaale ugu bixin lahayd barnaamijka la dagaalanka burcad badeeda.

 

Labada dhinaci waxay ka wadahadleen burcad badeeda sidii loo so afjari lahaa ,iyadoona madaxweynuhu uga mahdceliyey Germany dadaalka ay wado ee la dagaalanka burcada.

 

Waxay booqdeen hoolka barlamanka Puntland oo ay ku shireyso ergada ansixineysa dastuurka Puntland.

 

Maantana 16,April 2012 waxay booqasho iyo kormeer ku tageen halka laga dhisayo xabsiga Garowe iyo wasaarada cadaalada Puntland waxana sidoo kale tageen xabsiga dhexe Garowe kaasi oo ay ku xiranyihiin burcad la xakumey.

 

Halkan ka daawo sawirada Kulanka Safiirka iyo Madaxweynaha Puntland

 

IMG_9300.JPG

IMG_9301.JPG

IMG_9302.JPG

IMG_9303.JPG

IMG_9304.JPG

IMG_9307.JPG

IMG_9311.JPG

IMG_9316.JPG

IMG_9317.JPG

IMG_9318.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

IMG_9300.JPG

 

A 3 way battle between The Federalists versus the Islamists versus the Seccessionist. NO HOLD BARRED, FALLS COUNT ANYWHERE. WINNER TAKES ALL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this