Carafaat Posted April 15, 2012 Qaylo dhaan ku saabsan ansixinta dastuurka iyo kororsiga xilka ee xukuumadda Faroole – Qore: Maxamed Cabdi Maxamud Waxaa 10/03/2012 Madaxweynaha dowladda Puntland Md Cabdiraxman Maxamed Maxamud ku dhawaaqay in 15 bisha April 20012 la ansixin doona dastuurka dowladda Puntland ayna ansixin doonaan ergooyin kooban oo ka kala socda gobolada Puntland kuwaas oo loo yaqaan satul-xambaar oo micneheeduyahay kuwii xanbaarsana codka dadweynaha .. Waxa la sheegay in ergadaasu ka koobnaandoonto 480 xubnood oo lagu qeybinayo hab beeleed 110 ka mid ahna uu soo xuli doono madaxweynuhu ayna ka kala imaan doonaan 100 shaqaalaha dowladda ah iyo 10 loo qaybshay ururada bulshada rayidka ah. Ka dhegayso Horseedmedia.com shir jara’id oo uu Garowe ku qabtay 06/04/2012 guddoomiyaha guddiga doorashada Md Maxamed Xasan Barre (shimbiro-laaye) kuna sheegay in Madaxweynuhu la haray 110 ka mid ah ergooyinka dastuurka ansixin laha oo uu asagu soo magacaabidoono. Hadaba waxaa is weydiin mudan ma loo baahanyahay in la hello dastuur rasmiya oo ay leedahay dowaladda Puntland mise loo baahanyahay in laga gudbo nidaamka beelaha oo loo gudbo nidaamka ku dhisan asxaabta badan. Jawaabtu waa haa, hase ahaate waxaa is weydiin mudan qaab noocee ah ayaa hawshaas loo maraya yeyse tahay in ay ansixiyaan dastuurka Puntland. Mar kasta oo la qabanayo hawl sidaan oo kale u baaxadweyna loogana hadlayo aayaha iyo masiirka umadda, waxaa waajib ah in laga qeyb geliyo qeybaha kala duwan ee bulshada lana tixgeliyo rabitaanka iyo dareenka dadweynaha. Waxa si weyn qorsha xukuumadda uga horyimid dadweynaha ku kala nool gobolada ay ka koobantahay Puntland iyo beelaha ku noolaba sida aad ku aragteen bayaano ay soo saareen beelahaas qeybo ka mid ah oo websiteyada lagu faafiyey. Digniin: Waxaan ka digayna cawaaqib xumada ka imaan karta talo marooqsiga iyo iska dhega tirka codka iyo soo jeedimaha dadweynaha ee xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Faroole, waxaana ummadda u bayaaminayna dhowr qododob oo muhiim ah: 1- Waxaa ku dhex qarsoon ansixinta dastuurka oo ku lifaaqan muddo halsano ah oo madaxweynahu ku doonayo in uu muddadii xilka loo igmaday ku dheeraysto. Waxaana la sheegay in la doonayo in la is waafajiyo dastuurka iyo jiritaanka labada gole iyo dastuurka hada la doonayo in la ansixiyo middaas oo ah arrin aan sinaba loo aqbali Karin salla ku lahayn sharciyadda dowladdani ku dhisantahay. 2- Waxaan shacbiga Puntland ee sharafta iyo qaddarinta mudan uga digayna in aysan ku kadsoomin muddo korosiga ay dowladdu wadato loona baahanyahay si dastuurka cusub loo ansixiyo in laga reebo lifaaqa muddo korosiga ah ee lagu laray. Waxa sidoo kale lagama maarnaan ah in muddada dowladda hada jirta iyo tan imaandoontaba loo daayo 4tii sano ee dowladda hadda jirta lagu doortay. 3- Waxaa muuqata in Madaxweynuhu dhinac maray, dhaartii, ballantii iyo barnaamijkii lagu doortay oo ahaa 4 sano kaas oo meel walba yaalla hadana aan qoraalkaan ku soo lifaaqay barnaajikii madaxweynuhu u soo gudbiyey golaha baarlamaanka 01/02/2009 eeg lifaaqa Lr kiisu yahay. XGGW/DGPL/14/2009 kuna taariikhaysna 01/02/2009 ee madaxweynuhu saxiixay. 4- Waxaa maalin walba iska soo daba dhacaya baaqyo iyo diidmo qayaxan oo ka imanaysa waxgaradka, culumada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Puntland kuwaas oo ka soo horjeestay habka ay dowladdu wax u wado, hadaba halkii dowladdu ka dhegaysanlahayd taladoodana tixgelin lahayd waxaa lagu tilmaamay, qarandumis, shabaab, dad cadow u adeegaya iyo kuwo horay siyaasadda ugu fashilmay taas oo madaxweynuhu dabaaced ka dhigtay ahna arrin ka soo horjeeda nidaamka dimuqraadiyadda iyo wadatashiga. 5- Waxaan ka digayna in dad suuqa laga soo aruursaday iyo shaqaalaha dowladda loo adeegsado marin habaabinta bulshada iyo khatar gelinta aayahooda maadamay ay dowladda u shaqeeyaan ayna iska caddahay meesha iyo cidda ay codkooda siinayaan. 6- Mar hadii ay suurageli weyday afti dadweyne oo loo qaado dastuurka cusub laguna ansixiyo, Waxaa lagama maarmaan ah in ay beelaha Puntland u madaxbanaanadaan cidda iyaga matalaysa oo ay u soo dirsanayaan in ay qeyb uga noqdaan ansixinta dastuurka. 7- Waxaa nasiiib darro ah in madaxweynaha hada jira 2009kii markii doorshada la qabanayey uu ku adkaystay in aysan dowladii markaas jirtay magacaabi Karin guddigii doorashada sidoo kalena loo baahanyahay in ciidanka amniga lagu wareejo isimada lagana wareejo xukuumaddii markaas jirtay, hadana uu isla asagii ku adkaysanayo in wax walba ay xukuumadda uu madaxda ka yahay qabanayso iskana ilaawo baaqyada iyo talooyinka dadka reer Puntland ka imaanaya. 8- Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweynuhu dowladdii isaga ka horaysay ka horyimid isaga oo ku eedaynayey in ay muddada kororsatay taaas oo aan markaas sax ahayn maxaa yeelay madaxweynuhu wuxuu ka mid ahaa madaxdii xilka madaxweyne u tartantay 2005 qorshaha doorashada musharaxiintuna wuxuu ahaa 4 sanadood, isaga oo sidaas u og qorshihiisii doorashada xilligaasna aan saxaafadda u soo bandhigi doono ayuu hadana ku dooday in xilka madaxdii xilligaas ahaa 3 sano ilaa markii danbe uu arrinta soo dhexgalay Madaxweynihii hore ee Somalia AUN Md Cabdullahi Yusuf Axmed laguna dhameeyey in 4 sano xilka xukumaddu hayndoonto. 9- Waxaan xasuusinayna in qofwalba oo reer Puntland ah uu waajib ka saaranyahay ammaanka gaar ahanna ay tahay waajib 1aad ee xukuumadda saran, sidaas daraadeed xukuumadda waxaan uga digayna in ay ku dhaqaaqdo fal kasta oo liddi ku ah amniga Puntland 10- Waxaan ka digayna handadaadda iyo caburinta lagu hayo saxaafadda iyo bulshada samaha jecel ee marwalba doonaysa in ay wax ka dhahaan xaalka dalkoodu marayo. Waxaan kale oo ka digayna xarigga, hanjabaadda iyo cunaqabataynta dhaqaale ee lagu hayo siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah sida xarrigii loo geystay 22 March ex xildhibaan Maxamuud Yuusuf Axmed oo ka hadlay ansixinta dastuurka iyadoo sidoo kalana wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha lagu amray hay’adaha Save the children iyo Danish refugee council (DRC) in ay ka guuraan guriga Musharax Cabdullaahi Siciid Samatar ee ku yaalla mgaalada Bosaso oo ay hay’adahaasu degenaayeen ugu danbayn 30 ka April 2012 maadaama uu khal khal geliyey amniga iyo jiritaanka Puntland waa sida hadalka loo dhigaye. Eeg ligaaqa Lr kiisu yahay XDP/678/2012 kuna taariikhaysan khamiis 29th March, 20012 read the letters in the article. http://www.raxanreeb.com/2012/04/qaylo-dhaan-ku-saabsan-ansixinta-dastuurka-iyo-kororsiga-xilka-ee-xukuumadda-faroole/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 15, 2012 100 Goverment employees ratifying the constitution. this is truly historic. Quote Share this post Link to post Share on other sites