Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Constitution Ceremony

Recommended Posts

Magaalada Garowe ee xarunta Dawlada Puntland waxaa maanta abaare 8:00 subaxnimo ka furmay shirkii ansixinta dastuurka Puntland oo qaban qaabadiisu ay mudooyinkan dambe ka socotay deegaanada Puntland.

 

Shirkan waxaa fadhiyay Madexda Dawlada Puntland oo uu horkacayo Madexweyne C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo sidoo kale Madexweyne ku xigeenka Puntland mudane C/samad Cali Shire, Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, iyo dhanka kale Isidmada Puntland, Ergada anisixinta dastuurka, xubno farabadan oo ka socday xukuumada Puntland, xubno matalayay ururada bulshada rayidka ah, xubno ka socday hay’adaha Caalamiga ah ee ay ka midka yihiin UNDP, UNPUS, Interpeace, qaar ka mid ah hay’adaha maxaliga ah, Saxaafada iyo marti sharaf kale oo farabadan

 

Aayadaha qur’aanka Kariimka ah kadib waxaa shirkan si rasmi ah u furay Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo aad ugu dheeraaday dadaalka la doonayo in ergadu ay ku bixiso ansixinta dastuurkan iyo muhiimda uu u leeyahay bulshada iyo deegaanka Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in Dastuurku uu Puntland u horseedayo hanaan dawladnimo oo dimoqraadi ah islamarkaana xukunku uu ku jiro gacanta dadweynaha oo dooranaya qofkii ay u arkaan in uu muhim u yahay horumarna gaarsiin karo wadanka.

 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ayaa isna faahfaahin ka bixiyay dadaalkii dheeraa ee ay ku bixiyeen qabsoomida shirkan mudada uu socon doono iyo qorsha hawleedka ergadu ay ku shaqayn doonaan mudada uu shirku socdo.

 

Waxaa iyaguna kulankan ka hadlay qaar ka mid ah Isimada Puntland oo sharahay muhiimda uu dastuurku u leeyahay umadaha iyo hufnaanta uu leeyahay dadaalkii lagu soo xulay ergada, waxayna bulshadii ka qaybgalaysay shirka kula dardaarmeen in ay si qoto dheer oo feejigan uga munaaqashoodaan qodobada dastuurka oo masiirka umadu uu ku xiran yahay.

 

Qaar ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah iyo xubno kaloo ka socday beesha Caalamka ayaa iyaguna hadanlo kooban jeediyay waxayna amaaneen dadaalkan dheer ee bulshada Puntland lagu horumarinayo, waxayse wax badan ka taabteen waaqiciga maanta ee Caalamka horumarka ka sameeyay dhinacyada Dimoqraadiyada iyo Siyaasada guud.

 

Kulankan intii uu socday waxaa qayb ka ahaa bashigyo riwaayadeed iyo madadaalo ay soo bandhigayeen Fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaaan goobtan laga qaaday heeso aad u qiiro badan, wadaniyadna ay ku dheehantahay oo aad uga hadlaya arrimaha dastuurka iyo siyaasada bulshada gacanta ugu jirta ee doorashooyinka xorta ah horseeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this