Peacedoon Posted April 15, 2012 Madaafiic xalay mar kale lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Weeraro Hoobiyeyaal ah ayaa xalay markii saddexaad lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheelh Axmed ka maqan yahay dalka, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaas. Dad ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe dhowr madfac ay soo dhaceen, hase ahaatee aanay ogeyn qasaaraha ay sababeen, ha yeeshee madaafiicda oo ahaa dhowr xabo ayaa qaarkood gudaha ugu dhaceen xarunta. Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay Idaacad afkooda ku hadashay in dhowr madaafiic ay la beegsadeen Madaxyooyada, isla markaana ay gaarayaan tobaneeyo qaarkood ay xuseen inay gudaha ugu dhaceen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaafiicda laga soo ganay dhanka deegaanka Gubta, inkastoo wararka xoogooda ay tilmaamayaan in ka hor inta aanay Madaaficida soo dhicin la weeraray goob Ciidamada ku sugnaayeen oo ku taal Gubta. Madaafiicdan lagu garaacay Madaxtooyada ayaa ku soo aaday markii labaad oo uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha, iyadoo labadii jeer ee u dambeeyay madaafiicda qaarkood ku dhaceen xerooyin barakacayaal ku dhow dhow Madaxtooyada, kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa tobaneeyo ruux oo ay ku jireen dad isku qoys ahaa. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha dowladda, iyadoo dhowaan Saraakiisha dowladda ay sheegeen in meelihii horay looga soo tuuray Madaafiicda ay Ciidamo geeyeen, lagana saaray meelaha qaar ee tuhunka ka jiray in madaafiicda lagaga soo gano ee qeybo ka mid ah degmada Dayniile. Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay weeraro Hoobiyeyaal ah oo Madaxtooyada ku qaadeen, iyagoo ku hanjabay in xarumaha dowladda ay weeraro ceynkan oo kale ah ku qaadi doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites