Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Clan Militia attack innocent nomads in the Buhoodle district

Recommended Posts

Maleeshiyo ka soo duushay Buuhoodle oo Oday Reer miyi ah ku dishay Deegaanka labada ciidan isku hor-fadhiyaan

Qorulugud(Waaheen) Maleeshiyo ka soo duushay Buuhoodle oo wadatay sadex gaadhi ayaa weerartay dad xoolo dhaqato ahaa oo joogay deegaanka ay labada Ciidan isku hor fadhiyaan, waxaanay ku dileen Oday la odhan jiray Maxamud Bulaale Warsame (Beer-haye), oo ka mid ahaa sadex qof oo markaas ay ku soo baxeen.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay Dilka Odaygaasi, Maleeshiyadda soo weerartay oo ka timi dhinaca Buuhoodle waxa ay sadexda gaadhi ee ay wateen ku soo buufiyeen kii ugu horeeyay Rinjiga Ciidanka Qaranka, iyagoo kuwa kalena Calanka Somaliland soo sudhay, taasoo ay ku khiyaameeyeen Dadka Deegaankaas degan.

Xidhibaan Xariir Siciid Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Marxuumka la dilayna Adeer u yahay ayaa isaga oo u sii jeeda Deegaanka dilku ka dhacay Waaheen u sheegay falkaasi iyo sida uu u dhacay “ Allaa yar-xamu Odaygaasi waxa dishay koox Buuhoodle ka soo duushay oo wadatay sadex gaadhi, waxay ku soo baxeen Odayga iyo laba Wii loo la joogay meel Reerka agtiisa ah, markaa may garanayn waxay moodayeen uun Ciidankii Somaliland. Labadii Wiil way carareen markii Tacshiirada ay ku bilaabeen laakiin Odaygu wuu dagaalamay markaa waxay ku dhufteen rasaastii waanay noqdeen” ayuu yidhi Xildhibaab Xariir

Waxaanu intaa ku daray xildhibaanku “ mushkilada meesha taalaa waxa weeyi dadkii deegaanku waxay u dabran yihiin Xukuumadda oo

leh talaabo ma qaadi kartaan, maalin walbana sidaasaa loo laynayaa dadkii Xoolo dhaqatada ahaa iyagoo iska Shicib ah, markaas dhibta meesha taalaa waa taas oo u baahan in wax laga qabto” ayuu kaga baxay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waa saas. Dadka rayidka ah, ee waxba galabsan Alle ha u naxariisto. Xaajise waa ogyahay in reer Khaatumo iyo Somalilandba wedka iyo xabbaddaba u siman yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi if we are on the calibre saxib dee maad tuladada xoraysatid intad gurbaha ka calalaysid. Waxa simeen khatumo and the mosocw international state circus. The spend more time abroad then at home they pretend its magic but in reality its just a joke. You couldnt stop the army so you attack an old man. Wait till the burcowi geeljira here about that iska cidanka reer miyigeena aya idinku filan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

AUN intii xaqdaro lagu diro.. However the news I heard is different than what successionists are reporting.

 

Laba korjoogo oo labada ciidan snm and khatumo ayaa isku helay aagaga ay kala joogaan labada ciidan oo is rasaaseeyey.. Marka geelayda reer burco muxuu ka dhex qabanayey meesha labad ciidan isku horfadhiyaan oo ah meeshii laga qixiyey xoola dhaqatadii reer khatumo oo dhulkoodii iyo ceelashoodiiba ciidamo la dul dhigay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this