Saalax Posted April 13, 2012 Al-Shabaab Oo Shaaciyay In Ay Saldhigyo Waaweyn Ka Sameesteyn Buuraha Galgala Muqdisho (RBC) Iyadoo maalmahan ay soo baxeyn warar sheegaya in Shabaab oo ka arriminaayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay hadda badankood u wareegeyn deeganada Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala ee gobalka Bari, ayaa waxa markii ugu horreysay arrintaa shaaciyay Al-Shabaab. Idaacadda ku hadasha afka Shabaab-ka Andulus, ayaa saaka oo jimco ah shaacisay, in saraakiil sare oo ka tirsan Shabaab ay hadda ku sugan yihiin deeganada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala. Waxa ay Idaacadda Sheegtay in Shabaab ay halkaas u gaareyn in ay gaarsiiyaan maamulkooda sida ay hadalka u dhigtay, waxan dadka ay magacowday ee hadda ku sugan Puntland ka mid ah Sheekh Cabdu Qaadir Cali Muumin oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kana soo jeeda deeganada Puntland. Ma sheegeyn, waxa ay halkaas u tageyn in uu yahay culeys kaga soo furmay dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee barataaraya, oo hadda dhul badan, oo ku yaala koonfurta ka qabsaday Shabaab. Sheekh Cabdulqaadir Cali Muumin Mar uu hadlaayay Sheekh Cabdi Qaadir Cali Muumin wuxuu yiri “Maamulka Puntland Diinta Ayey ka baxeyn, oo waxa u adeegaan Maraykan iyo Ethiopia, shaqaalahooda iyo askartoodana waa la mid ah waa murtadiin, waa in aad ka toobad keentaan” . Wuxuu sii hadlay wuxuu yiri ” Shacabka ku nool Puntland waa in aad la mid noqotaan kuwa Koonfurta, oo mujaahidiinta caanaha iyo biyaha la daba jooga” ayuu sheegay. “Diinta qof walba ayey difaacadeyda u taalaa, marka reer Puntland doorkiina qaata, marka fadliga yuusan idin dhaafin ” ayuu yiri Waxa uu digniin u jeediyay ciidanka iyo shaqaalaha ka tirsan maamulka Puntland, wuxuuna yiri ” Bariis ayaan ka doonaayay, shaxaad ayaan u tagay, qof iska yeelaya ma jiro” dhamaantiin waa xukumantihiin ogaada” ayuu yiri. “Faroole lacag ayuu heestaa oo waa ninka dibada ku nool laakin idinkana dhaxan iyo baahi ayaa idin heesta. hadaba dhulkan ogaada in ay mujaahidiinta ay qabsan doonaan” ayuu yiri markale Cabdu Qaadir Muumin Dhawaan madaxweynaha Maamulka Puntaland C/raxmaan Faroole, wuxuu sheegay Shabaab markii ay ku soo jabeyn dagaaladii ay ka wadeyn Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya in ay u soo guureyn deeganada Puntland. Wuxuu sheegay in ay isticmaalayaan dhinaca badda iyo dhulka Al-Shabaab. Sidoo kale dowladda KMG ah , madaxdeyda ayaa iyana sheegay Shabaab in xoogiisa ay u baxsadeyn deeganada Puntland gaar ahaan buuraha Galgala, oo ay horey u joogeyn maleeshiyo taabacsan Sheekh Maxamed Saciid Atam oo ah wadaad qalqal iyo jahwareer galiyay maamulka madaxweyne Faroole. Ma cadda hadalka Shabaab ka soo yeeray, uu u sii saameyn doono, maamulka Puntland iyo dowladda KMG ah, haddii ay arrintan dhabowdana waa hubaal ah Puntland ay isku diyaariso dagaal la mid ah kan hadda ka socda Koonfurta gaar ahaan Muqdisho Si kastaba, waxa su’aasha la isweydiinaayo ay tahay, Al-Shababa oo xiriir toos ah la leh Al-Qaacida, haddii ay fadhiisin cusub ka sameestaan deeganada Puntland siddee ayuu ahaan doona awooda maamulka Puntland, sidoo kale caalamka siddee ay ahmiyada ugu yeelan doonaan maamulka Puntland, ciidamo AMISOM ama kuwa Ethopian ah ma lageyn doonaan deeganadaas? sidee mustaqbalka deeganada Puntland ay noqon doonaan? waa su’aalo ilaa hadda jawaabahooda aan lahayn, laakin soo bixi doona marka si rasmi Shabaab xudun ugu yeeshaan Puntland? RBC Radio ———————– Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 13, 2012 http://www.raxanreeb.com/2012/04/al-shabaab-oo-shaaciyay-in-ay-saldhigyo-waaweyn-ka-sameesteyn-buuraha-galgala/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 13, 2012 misleading title, but nevertheless a wishful thinking on your part. sorry, were not some sissy militia easily spooked by few but lightly armed citizens. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 13, 2012 Al-Shabaab Oo Shaaciyay In Ay Saldhigyo Waaweyn Ka Sameesteyn Buuraha Galgala Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted April 13, 2012 Saalax;818222 wrote: Al-Shabaab Oo Shaaciyay In Ay Saldhigyo Waaweyn Ka Sameesteyn Buuraha Galgala Saalax bacareful what you wish for. balaayo lama soo dhaweysto;) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 13, 2012 Now they have bases its all coming together. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted April 13, 2012 Xaaji, if you knew the people of Puntland, you'd know there's something coming. Lets just say, they will appear from thin air. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacedoon Posted April 13, 2012 Puntland society welcomed them with open arms. I wondered why Abu zubayr didnt sent troops to Sland? A brother told me that the sland society supports their administration. I take back my accussation that zubayr is agent of Sland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Relentless Posted April 13, 2012 Puntland cant defend itself from somaliland it surrendered the land it was claiming and ran away. It can not fight piracy on its land, alshabab my God...it will be a cake walk. I say somaliland should give them light arms to finish the job. These alshabab are battle hardened they fought kenya, ethipia, american bombing, AU and they still fighting against the forces of hot air (puntland) hahaha...boy crab your pop corn its gonna be fun. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 14, 2012 That completes Alshabab's spread in the whole Somalia .... Now AMISOM should go there and save that part from the terrorists. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 14, 2012 I can't wait to see President Farole mobilise Puntland Airforce consisting of helicopters and an26, an Army battalion of tanks, technicals, heavy trucks, f350s, bulletproof technicals, naval capacity consisting of mid sized naval vessels and small marine boats. Plus a ground troop armed to the teeth and trained of high caliber with top notch strategy to root out this shabab misfit from Puntland. Your dealing with a powerful state here boys this aint hamar this is a huge state with a huge army with huge stockpile of weapons Quote Share this post Link to post Share on other sites