Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:Xaqsoor Party candidates Xassan Ciise Jamac and Cali Sandule

Recommended Posts

Musharixii Ugu Horeey Ee Madaxwayne Ku Xigeen Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Oo Loo Caleemo Saaray Siyaasiga Cali Sandule Oo Wasiir Uga Ahaa Xukuumaddii Hore

 

Hargeysa (Ramaas) Apr 13,2012 - Urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee Somaliland ka jira ayaa noqday ururkii ugu horeeyay ee siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool ee colaadu ka jiraan u doorta Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka.

 

Ururka Xaqsoor oo shalay uu soo gabogaboobay shirwaynihiisii koowaad isla-markaana lagu doortay hogaanka rasmiga ah ee ururkaasi hogaamin doona ayaa waxa Guddoomiye loogu doortay Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo sidoo kale noqonaya Musharaxa Madaxwaynaha ee ururkaasi u ordi doona doorashada Madaxtooyadda haddii uu ka gudbo doorashada deegaanka, iyadda oo sidoo kalena Guddoomiye ku xigeen loogu doortay Wasiirkii hore ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Cali Xasan Maxamed (Cali Sandule) oo sidoo kale noqonaya Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka ururkaasi u ordi doona, kaasi oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool.

 

Doorashadan Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka ee urur siyaasadeedka Xaqsoor ee loo doortay Cali Sandule oo ah talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday isla-markaana indhaha shacabka deegaanada Bariga dalka xaqiiqada tusaysa ayaa noqonaysa talaabadii ugu horeysay ee shacabka Somaliland, gaar ahaan beelaha dhexe ee Somaliland qaadaan, iyagga oo doonaya inay wada jir iyo walaalnimo tusaan dadkaasi tabashada qabba.

 

Talaabadan oo noqonaysa mid ururka Xaqsoor ku jabiyey dayrkii ahaa in dadka gobolka Sool aanay doorka ay siyaasada Somaliland kaga jiraan gaadhin heer Madaxwayne ku xigeen ama Madaxwayne ayaa Xaq-soor noqonayaa ururkii ama xisbigii ugu horeeyay eek u dhiirada.

 

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay madashii labadoodaba lagu doortay ayaa si gaar ah uga hadlay biyo la’aanta ka jirta gobolada bariga iyo sida dadkaasi xaqa ugu leeyihiin inay helaan wax kasta oo dadka kale ee Somaliland haystaan “Xayawaanka iyo haadka Samadda Duulaya Ayaa Biyaha Xaq U Leh In Ay Helaan, Bariga Shishe Ma Taas Baynu Uga Yaraynaa"ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

 

Ramaaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalilands first vice president running for president and for the first time in 21 years a running mate from the sool region

 

Xassan ciise Jamac

 

xasan-ciise-jaamc.jpg

 

Cali Sandule

20071015-calisandule.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this