Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe clan enclave: insecurity of galkacyo is caused by our own Militia

Recommended Posts

Puntland oo sheegtay in amni darida Galkacyo ay ku lug leeyahay ciidanka Puntland

 

SHABELLE MEDIA NETWORK APRIL 12, 2012

 

Gaalkacyo: (Sh. M. Network)- Maamulka Puntland ayaa sheegay in amni darida ka jirta Magaalada Gaalkacyo ay qeyb ka yihiin askar ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha qeybta boliiska ee Gobalka Mudug Gashaanle dhexe Jaamac Max’ed oo la halay qaarka mid ah warabahinta ka howlgasha Gobalka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada amaanka ay ka qeyb qataan falalka amaan darid ah ee ka dhaca woqooyiga Magaalada Gaalkacyo xaruta Gobalka Mudug

 

Waxa uu sheegay in kooxa buracada badeeda Somali ah ay u fududeeyaan in ay hada soo galiyaan Magalada Gaalkacyo ee xaruta Gobalka Mudug islamarkaan lagu sameeyo wax yaaba ka dhan ah shareecada islaamka

 

Taliyaha ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay hadda ciidamad amniga ay gacanata ku dhigeen ilaa 3 ka mid ah ciidamad Booliska ee maamulka Puntland kuwaasi oo uu sheegay in ay hadda ku jiraan xabsiga dhex ee Magaalad Gaalkacyo islamrakaana maxakamada qalabka sida ee maamul gobaleedka Puntland maalmaha soo socda ey xukuno kala duwan ku fulin doonaan.

 

Gaashaanle dhexe Jaamac ayaa waxa uu digniin u diray ciidamad ku howlan in ay qamriga is ticmaalaan ama ey soo giliyaan Magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidii arimahaasi ay ku arkaan.

 

Hadalka ka soo yeeray taliyaha qeybta boliiska ee Maamulka Puntland Gaashaanle sare Jaamac Max’ed ayaa ku soo beegamaya xili mudooyinkii u dambeeyay ay jireen dhibaatooyin la sheegay in ciidamada Puntland Waqooyiga Gaalkacyo ay ugu geysanayeen dad shacab ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryaa Che garowe wa magaalo aad u wanaagsan Mingis cali lahayn eeh , Dhibaatadu waxa weye Galkacyo oo u bahaan in la xaliyo dhibaatada ka tagaan iyo ciidamada garowe ka yimi eeh dhibaatada ku haya shacabka reer galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Blame everything on South Galkacyo wee saqeyn weyday. War niyow magalada aanu mideyno oo aanu oo maamul rasmiya u sameeyno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this