Sign in to follow this  
Saalax

Maxkamada Gobolka Awdal Oo Xukun U Dhaxeeya 5 Ilaa 10 Sano Oo Xadhig Ah Ku Riday 32 Qof

Recommended Posts

Saalax   

Maxkamada Gobolka Awdal Oo Xukun U Dhaxeeya 5 Ilaa 10 Sano Oo Xadhig Ah Ku Riday 32 Qof Oo Lagu Helay Inay Jareen Xadhiga Isgaadhsiinta Cable-ka Oo Maraya Deegaanka Lughaya

 

Boorama (Ramaas) Apr 12,2012 – Maxkamada gobolka Awdal ayaa maanta xukun xadhig iyo ganaax lacageed ah ku riday 32 qof oo lagu helay inay jareen xadhiga Internet-ka Cable wakhtigii uu soo marayey deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

 

Maxkamada gobolka Awdal ayaa maanta 32-kan qof ku kala xukuntay xadhig u dhexeeya 5 ilaaa 10 sanadood iyo waliba ganaax lacageed oo dhan 180,000 kun oo shilinka Somaliland ah, ganaaxaasi oo qayb ka ah ciqaabta xukunka lagu riday.

 

Kooxdan ayaa 21 ka mid ah lagu riday xukun dhan min 10 sano, halka 11-ka kalena lagu xukumay min 5 sanadood, iyadda oo 21-ka min 10-ka sano lagu xukumay xadhigooda maxkamadu ka dhigtay mid ay dibada iska joogayaan, balse haddii ay mar labaad waxyeeleeyaan xadhiga isgaadhsiinta Cable-ka ee shirkadda SOMCABLE ka soo xidhidhinayso dalka Jabuuti si toos ah loo xidhi doono.

 

Dacwadan oo ahayd mid Ciqaab ah waxa ku oogay 32 danbiile ku-xigeenka Xeer ilaaliayaha Gobolka Awdal Axmed Cismaan Mirre, kaas oo Maxkamadda horteeda kaga Oogay danbiyada loo kala haysto oo isugu jiray kuwo gacantooda ula tagay Xadhiga Cable-ka iyo kuwo abaabulay oo ku dhiirigalinayay.

 

Xukunkan dambiilayaashan oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta shirkada Somcable oo uu ka mid yahay wakiilka shirkadda ee gobolka Awdal Cabdi Xasan Tukaaale, ayaa waxa riday Guddoomiyaha maxkamada gobolka Awdal C/raxmaan Geedi Barre

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this