Dr_Osman Posted April 12, 2012 Sanadguurada 52-aad ciidamada xooga Somalia 12 Apr 12, 2012 - 4:18:19 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 12,April 2012 ka qyabgalay munaasabada sandguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacdey xerada ciidamada 54-aad ee duleedka Garowe ku taal. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland sareeye gaas SIciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere ,xildhibaano ka tirsan aqalka barlamanka ,wasiirada xukuumadda ,saraakiisha ciidamada Puntland ,saxaafada iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madashada ayaa kaso qaybgalay. Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland iyo Kumandooska ayaa salaam sharaf siiyey madaxweynaha iyo kuxigeenka Puntland waxana gaado ka ciyaar ku mareen fagaare loogu talo galay gudaha xerada 54-aad Garowe. Qunsulka safaraada Ethiopia Puntland Asmlasha Wal-meerat ,saraaiisha Ethiopia ee gacanta ku haysa tababarka ciidamada difaaca Puntland ayaa iyaguna ka soo qaybagalay munaasaba. Kadib intaasi ayuu madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu ciidamada ku la hadlay goobtaasi ,waxana ku dhiiro geliyey inay heegan u ahaadaan difaacida midnimada iyo qaranka. Waxa uu Dr.Farole tilmaamey in maanta tahay maalin kuweyn Somalia ,waxaan uu sidoo kale muujiyey faraxad qiiro leh oo xasuusisey barisamaadkii iyo barigii Somalidu lahayd halka calan. Xaflada munaasabada ayaa loo soo gudbey kadib waxana ay ka dhaceysey hoolka xerada 54-aad ,iyadoona ay siweyn uga tumeen kooxda Horseed ee ciidamada kuna soo bandhigey riwaayado,heeso ,gabayo iyo weli jilid aad heerkeedu u sareeyo. Ka soo qaybgalayaasha ayaa aad u la dhacey waxa lagu soo bandhigey madasha waxana ay ka tarjumeysey hawlgalada ciidamada ,akhlaaqda askariga ,huritaanka nafta iyo rajo wanaagsan oo laga qabo mustaqbalka Puntland iyo Somalia. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa halkaasi ka akhriyey khudbad aad u dheer oo uga waramayey dhinacyo badan sida asaaski ciidamada xooga dalka Soomaliyeed ,magacii iyo miisaankii ay ku lahaayeen mandaqada ,waxa u qabsoomey ciidamada Puntland sanadkii tagey,guulihii la soo hoyey ,caqabadiihii ,iyo barnaamijka u degsan sanadkan 2012. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyntii soo khatimey xaflada waxana uu la dardaarmey ciidamada iyo saraakiisha oo uu ka dlabadey inay lamid noqdaan kuwii magaca u soo hoyey Somalia islamarkaasina soo celiya midnimadii iyo kaalintii Somalia kaga jirtey dalalka dunida. Dadweynaha reer Puntland iyo guud ahaan Somalia ,madaxda Somalida iyo saraakiisha ayuu u direy hanbalyada munaasabada sanadguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaliyeed isagoona Alle ka baryey in sanadkan sanadkiisa ay ku garaan nabad ,barwaaqo iyo Somalia oo is raacsan. Teendhada VIP-da looga dhex sameyey Maanta 54-aad Madaxda oo Salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Difaaca Puntland Saraakil Ethiopian ah oo tababara Ciidamada Difaaca Puntland Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole & Gen.Siciid Dheere Sarkaalka Safaarada ethiopia u qaabilsan Militeriga Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 12, 2012 that's how its done boys. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted April 12, 2012 It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard? Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 12, 2012 Mario B;817847 wrote: It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard? troll. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 12, 2012 Mario B;817847 wrote: It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard? Or chase Al Shabaab from Bosasso mountains. But I guess pictures fighting Al Shabaab wouldnt have been so impressive nor usefull for propaganda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted April 12, 2012 Carafaat;817855 wrote: Or chase Al Shabaab from Bosasso mountains. But I guess pictures fighting Al Shabaab wouldnt have been so impressive nor usefull for propaganda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted April 12, 2012 Lol, an unrecognized citizen and a 21st century colonized citizen - a story. Starring Qawdhan aka Carafaat and the colonized man. To be released 2013. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 12, 2012 Somalia, Mario asked a valid question. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mario B Posted April 12, 2012 ^^ Somalia can't handle the truth. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacedoon Posted April 12, 2012 Mashallaaah, they are very powerful soldiers. After the show, the boys go to home getting their nails done. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 12, 2012 Somalia is smart but he still has the warrior mentality. laakinse dagaalkii wuu dhamaaday Waa la heshiyay. Habkii wax dib loo dhisi lahaa iyo wadadii la mari lahaa uun ayaa la layahay. Taasina waa wax farsamo oo dhawaan xal laga gaariyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hustler Posted April 12, 2012 Pirates in uniform lol ... Good job tho Quote Share this post Link to post Share on other sites