Sign in to follow this  
Dr_Osman

Somalia Military Day Honoured In Garowe. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Sanadguurada 52-aad ciidamada xooga Somalia

12 Apr 12, 2012 - 4:18:19 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 12,April 2012 ka qyabgalay munaasabada sandguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacdey xerada ciidamada 54-aad ee duleedka Garowe ku taal.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland sareeye gaas SIciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere ,xildhibaano ka tirsan aqalka barlamanka ,wasiirada xukuumadda ,saraakiisha ciidamada Puntland ,saxaafada iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madashada ayaa kaso qaybgalay.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland iyo Kumandooska ayaa salaam sharaf siiyey madaxweynaha iyo kuxigeenka Puntland waxana gaado ka ciyaar ku mareen fagaare loogu talo galay gudaha xerada 54-aad Garowe.

 

Qunsulka safaraada Ethiopia Puntland Asmlasha Wal-meerat ,saraaiisha Ethiopia ee gacanta ku haysa tababarka ciidamada difaaca Puntland ayaa iyaguna ka soo qaybagalay munaasaba.

 

Kadib intaasi ayuu madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu ciidamada ku la hadlay goobtaasi ,waxana ku dhiiro geliyey inay heegan u ahaadaan difaacida midnimada iyo qaranka.

 

Waxa uu Dr.Farole tilmaamey in maanta tahay maalin kuweyn Somalia ,waxaan uu sidoo kale muujiyey faraxad qiiro leh oo xasuusisey barisamaadkii iyo barigii Somalidu lahayd halka calan.

 

Xaflada munaasabada ayaa loo soo gudbey kadib waxana ay ka dhaceysey hoolka xerada 54-aad ,iyadoona ay siweyn uga tumeen kooxda Horseed ee ciidamada kuna soo bandhigey riwaayado,heeso ,gabayo iyo weli jilid aad heerkeedu u sareeyo.

 

Ka soo qaybgalayaasha ayaa aad u la dhacey waxa lagu soo bandhigey madasha waxana ay ka tarjumeysey hawlgalada ciidamada ,akhlaaqda askariga ,huritaanka nafta iyo rajo wanaagsan oo laga qabo mustaqbalka Puntland iyo Somalia.

 

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa halkaasi ka akhriyey khudbad aad u dheer oo uga waramayey dhinacyo badan sida asaaski ciidamada xooga dalka Soomaliyeed ,magacii iyo miisaankii ay ku lahaayeen mandaqada ,waxa u qabsoomey ciidamada Puntland sanadkii tagey,guulihii la soo hoyey ,caqabadiihii ,iyo barnaamijka u degsan sanadkan 2012.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyntii soo khatimey xaflada waxana uu la dardaarmey ciidamada iyo saraakiisha oo uu ka dlabadey inay lamid noqdaan kuwii magaca u soo hoyey Somalia islamarkaasina soo celiya midnimadii iyo kaalintii Somalia kaga jirtey dalalka dunida.

 

Dadweynaha reer Puntland iyo guud ahaan Somalia ,madaxda Somalida iyo saraakiisha ayuu u direy hanbalyada munaasabada sanadguurada 52-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaliyeed isagoona Alle ka baryey in sanadkan sanadkiisa ay ku garaan nabad ,barwaaqo iyo Somalia oo is raacsan.

 

 

Teendhada VIP-da looga dhex sameyey Maanta 54-aad

IMG_0104.JPG

 

Madaxda oo Salaan sharaf ka qaadanaya Ciidamada Difaaca Puntland

IMG_0130.JPG

 

Saraakil Ethiopian ah oo tababara Ciidamada Difaaca Puntland

IMG_0135.JPG

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole & Gen.Siciid Dheere

IMG_0136.JPG

 

Sarkaalka Safaarada ethiopia u qaabilsan Militeriga

IMG_0140.JPG

 

IMG_0146.JPG

IMG_0148.JPG

IMG_0149.JPG

IMG_0153.JPG

IMG_0155.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mario B;817847 wrote:
It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard?
:D

:D troll.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Mario B;817847 wrote:
It would have been helpful if they ended piracy in the two provinces they control, or are they been used as Faroole's presidential guard?
:D

Or chase Al Shabaab from Bosasso mountains. :D

 

But I guess pictures fighting Al Shabaab wouldnt have been so impressive nor usefull for propaganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Carafaat;817855 wrote:
Or chase Al Shabaab from Bosasso mountains.
:D

 

But I guess pictures fighting Al Shabaab wouldnt have been so impressive nor usefull for propaganda.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Lol, an unrecognized citizen and a 21st century colonized citizen - a story.

 

Starring Qawdhan aka Carafaat and the colonized man.

 

To be released 2013.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somalia is smart but he still has the warrior mentality. :D laakinse dagaalkii wuu dhamaaday Waa la heshiyay. Habkii wax dib loo dhisi lahaa iyo wadadii la mari lahaa uun ayaa la layahay. Taasina waa wax farsamo oo dhawaan xal laga gaariyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this