Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Agriculture Day Celebrated In Bosaso. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Maalinta Beeraha Puntland Oo Boosaaso Laga Xusay [sawiro]

 

Updated:- 29 mins ago| 0 Commnets

 

Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta beeraha Puntalnd oo ku beegan 12-ka bisha April.

 

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyey ururka beeraleyda ee gobolka Bari ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka.

 

Mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan, xubno ka tirsan iskaashatada beeraleyda, saraakiil ka soctey hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA iyo marti sharaf kale oo badan ayaana kasoo qayb galay.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha ururka beeraleyda gobolka Bari Axmed Maxamed Muumin isagoo ka warbixiyey ujeeda kulanka uuna sheegay inay tahay sidii loo xusi lahaa 12-April oo ah maalin beeraleyda qiimo weyn ugu fadhida.

 

Muumin ayaa sidoo kale sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim ah maadaama ay beeraleydu soo bandhigayaan waxqabadkooda iyo baahiyaha ay qabaan si ay taageero uga helaan dowladda iyo hay’ada dhinaca beeraha kala shaqeeya.

 

Isu duwaha wasaarada beeraha ee gobolka Bari Maxamuud Cabdalle Waaberi oo isna kulankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadka wasaaraddda haweenka ee sanadihii u danbeeyey.

 

Wuxuuna sheegay in bilihii u danbeeye ay wasaaradu waxqabad balaaran oo al taaban karo samaysay ayna kamid yihiin dhisidda iskaashatooyinka beraleyda ee gobolada Bari, Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

 

April 12-keeda ayaa ah maalinta loo asteeyey xuska beeraha iyo beeraleyda si loo weyneeyo qiimaha ay beeruhu horumarka bulsho walba iyo noloshaba ugu fadhiyaan.

 

Horseed Media

 

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Maalinta-beeraha-Puntland-Bari-Boosaaso-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this