Sign in to follow this  
Somalia

Funeral of Beeldaaje Faarax (Pictures) and his life story

Recommended Posts

Somalia   

Taariikhdiisi

 

Waxaa habeenimadii 8-da bishaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed.

 

Allahu naxriiste Beeldaajaha ayaa taariikh weyn ku lahaa dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland,waxaana uu xilka ka dhaxlay Aabihi oo si weyn looga yaqaanay dalka.

 

Taariikh kooban oo Marxuumka ku saabsan ayaa idin soo gudbinaynaa:

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII BEELDAAJE FAARAX

 

Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi wuxuu ku dhashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari Sandkii 1948-di halkaas oo uu ka bilaabay Dugsiga hoose & barashada Quraanka Kariimka.

 

1959 Wuxuu aaday Magaaladda Muqdisho halkaas oo uu ka galay Dugsiga dhexe wuxuuna dhameeyey sanadkii 1963.

1964 ilaa 1968 Wuxuu dhameeyey Dugsiga sare ee Riaggionenia.

 

1969 Waxuu Jaamacad u aaday dalka Talyaaniga oo uu kazoo bartay Culuumta dhaqaalaha.

 

1972 ilaa 1973 Wuxuu shaqo ka helay Bankigii Roma kaas oo Dowladu la wareegtay isagoo ka gaaray ilaa heer Maamule kana soo shaqeeyo meelo badan sida Magaaladda Kismaayo oo uu ka noqday madaxa sare ee Bankiga mudo dhan 15 Sano wuxuuna u lahaa Arrimaha Bankiyada Khibrad fiican.

 

Wixii ka danbeeyey 1991 markii ay Burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuu u soo hayaamay Deegaanadda Puntland isagoo ka mid noqday ergooyinkii dhisay Maamulkaas.

 

Sanadkii 2001 waxaa uu ka mid noqday Golihii Wasiiradda Xukuumadii Madaxweyne Jaamac Cali Jaamac isagoo noqday Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryaynta 2004 waxaa geeriyooday Aabihii Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi waxaana loo caleemo saaray marxuumka Wakhtigaas inuu noqdo Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan si uu u buuxiyo Kaalintii Aabihii ee Beeldaajanimada.

 

2007 Wuxuu ka mid ahaa Isimadii ka qaybgalay Shirkii dib u heshiisiinta ee DFKS ku qabatay Xamar.

 

2008 wuxuu ka mid ahaa Raxan Isimo ah oo loo diray Wadanka Ethopia si ay u dhexdhexaadiyaan Raysal wasaaraha Ethopia Miles Zanawi & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

Beeldaaje Farax Waxuu ahaa nin aqoonyahan ah,Siyaasi isla markaana degan.

Waxuu Safaro ku tagay dalal badan oo aduunka ah isagoo had iyo jeer ka hadli Jiray midnimada iyo danta ummada Soomaaliyeed, Waxuu ifka kaga tagay 7 Ubad ah 4 wiil iyo 3 gabdhood.

 

Dadka u lahaaa Aqoonta waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Afgaaban, Xishood leh, ka Adag Afkiisa & Adinkiisa, Jecel Nabada, Xushmad fiicana ku dhex leh Bulshada isagoo in badan ka shaqeeyey Nabada & Xasiloonida mudadi uu hayey Xilka Beeldaajaha .

 

ibrahim said salah

GSM +968-99557422

Email:isiciid2006@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Puntlandi

 

Waxaa habeenimadii 8-da bishaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed. Allahu naxriiste Beeldaajaha ayaa taariikh weyn ku lahaa dalka Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland,waxaana uu xilka ka dhaxlay Aabihi oo si weyn looga yaqaanay dalka. Taariikh kooban oo Marxuumka ku saabsan ayaa idin soo gudbinayna; TAARIIKH NOLOLEEDKII BEELDAAJE FAARAX Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi wuxuu ku dhashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari Sandkii 1948-di halkaas oo uu ka bilaabay Dugsiga hoose & barashada Quraanka Kariimka. 1959 Wuxuu aaday Magaaladda Muqdisho halkaas oo uu ka galay Dugsiga dhexe wuxuuna dhameeyey sanadkii 1963. 1964 ilaa 1968 Wuxuu dhameeyey Dugsiga sare ee Riaggionenia. 1969 Waxuu Jaamacad u aaday dalka Talyaaniga oo uu kazoo bartay Culuumta dhaqaalaha. 1972 ilaa 1973 Wuxuu shaqo ka helay Bankigii Roma kaas oo Dowladu la wareegtay isagoo ka gaaray ilaa heer Maamule kana soo shaqeeyo meelo badan sida Magaaladda Kismaayo oo uu ka noqday madaxa sare ee Bankiga mudo dhan 15 Sano wuxuuna u lahaa Arrimaha Bankiyada Khibrad fiican. Wixii ka danbeeyey 1991 markii ay Burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuu u soo hayaamay Deegaanadda Puntland isagoo ka mid noqday ergooyinkii dhisay Maamulkaas. Sanadkii 2001 waxaa uu ka mid noqday Golihii Wasiiradda Xukuumadii Madaxweyne Jaamac Cali Jaamac isagoo noqday Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryaynta 2004 waxaa geeriyooday Aabihii Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi waxaana loo caleemo saaray marxuumka Wakhtigaas inuu noqdo Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan si uu u buuxiyo Kaalintii Aabihii ee Beeldaajanimada. 2007 Wuxuu ka mid ahaa Isimadii ka qaybgalay Shirkii dib u heshiisiinta ee DFKS ku qabatay Xamar. 2008 wuxuu ka mid ahaa Raxan Isimo ah oo loo diray Wadanka Ethopia si ay u dhexdhexaadiyaan Raysal wasaaraha Ethopia Miles Zanawi & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed. Beeldaaje Farax Waxuu ahaa nin aqoonyahan ah,Siyaasi isla markaana degan. Waxuu Safaro ku tagay dalal badan oo aduunka ah isagoo had iyo jeer ka hadli Jiray midnimada iyo danta ummada Soomaaliyeed, Waxuu ifka kaga tagay 7 Ubad ah 4 wiil iyo 3 gabdhood. Dadka u lahaaa Aqoonta waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin Afgaaban, Xishood leh, ka Adag Afkiisa & Adinkiisa, Jecel Nabada, Xushmad fiicana ku dhex leh Bulshada isagoo in badan ka shaqeeyey Nabada & Xasiloonida mudadi uu hayey Xilka Beeldaajaha . ibrahim said salah GSM +968-99557422 iimal:isiciid2006@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this