Mukulaalow Posted April 11, 2012 Jen. Dhegabadan "Ceelasha Biyaha 4-KM ayaan u jirnaa, Afgooye 16-KM iyo dhinaca Balcadna 13-KM" Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-Badan ayaa sheegay in Muqdisho ay iskala baxeen iyaga iyo dagaalyahanada Shabaab, isagoo ka dhawaajiyay in maalmaha soo socda ay gaari doonaan degmooyinka Labada Shabelle ee Muqdisho deriska la ah. Jen. Dhega-Badan ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu maanta booqanayay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed jiidaha dagaalka ee dhanka xuduuda Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose oo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM difaacooda hore yahay. "Ma ahan Kooxaha jid iyo jaha diidka inaan Muqdisho gudaheeda kula dagaalameyno, meesha aan joogno waa xuduudihii Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose, Ciidankeygu gudaha ayay ugu jiraan"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan. Waxaa uu sheegay in dhowaan ay gaari doonaan degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabeelooyinka, isagoo tilmaamay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay walaaloobeen "Ceelasha Biyaha ciidankeyga wuxuu u jiraa 4-KM,Afgooye 16-KM iyo dhinaca Balcadna 13-KM oo aan u jirno"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan. Inkastoo Abaanduuluhu sheeganayo in masaafo aan dhameyn 20-KM labada degmo u jiraan Ciidamada ayaa hadana degmooyinka Balcad iyo Afgooye waxay dhinacyada Koofureed iyo Waqooyi ka xigaan Caasimada Muqdisho ilaa 30-KM. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaan cirifyada Magaalada Muqdisho gaaray, inkastoo wali caqabad xoogan uu ka heysto degmada Dayniile oo wali Al-Shabaab aan laga saarin, dhowaana mar ay isku dayeen inay qabsadeen dib loo soo caabiyay. Ilo wareedyo ku dhow dhow Milateriga Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ku aadan sidii maalmaha dhow Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku weerari lahaayeen deegaanada u dambeeyay ee Al-Shabaab kaga sugan yihiin duleeyada Caasimada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mukulaalow Posted April 11, 2012 It seems the TFG is gearing up for some serious expansion. Alshabab's territory is shrinking by the day. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 11, 2012 Balcad and afgooye nice, laakin been badanaa dhego badan war balcad iyo xamar waa 30 km distance, hadii 13 km uu jiraan hade caliyaale iyo dhulkaas waa la wareegeen laakin sida cad caliyaale oo 10 km uu jirto magaalada aysan wali qabsan Quote Share this post Link to post Share on other sites