Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government finalizes training for 364 security forces+PICS

Recommended Posts

Wasiirka Daakhiliga oo khudbad u jeediyay 364 arday Oo Tababar ciidan uga socdo Mandheera

 

April 11th, 2012

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ay weheliyay Taliyaha Ciidanka Booliska C/laahi Fadal Iimaan ayaa maanta kormeer ku tagay dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera halkaas oo uu tababar uga socdo Sadex Boqol iyo afar iyo Lixdan askari.

 

Taliyaha ciidanka booliska oo wasiirka uga waramayey xaalada guud ee dugsiga tababarada ee mandheera iyo hawlaha hada ka socda ayaa sheegay in 364 Askari ee tababarku u socdaa ay u badan yihiim ardaydii dugsiyada sare ka baxday , isla markaana ay u soo diyaar garoobeen inay ka mid noqdaan ciidamada booliska Somaliland, si ay uga qayb qaadaan wajibaadka qaran ee ay ciidamada u xil saaran yihiin.

 

Taliyaha ciidanka booliska wuxuu u soo jeediyay ciidamada tababarku u socday inay dhowraan Anshaxa iyo koraamada ciidanimo una diyaar garoobaan sidii uga qayb qadan lahaayeen waajibadka qaran ee ciidamada Somaliland u darban yihiin.

 

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale oo kormeer ku maray qaybaha dugsiga mandheera, ayaa sheegay in 364 Askari ee tababarka ku jira ka mid yihiin 500 oo Askari oo cusub oo xukuumadu kafaalo qaadatay inay u dhamastirto , daryeelkooda, dirayskooda iyo hubkooda, isla markaana loogu tallo galay inay ka qayb qaatan dardar-gilinta iyo dib u habaynta ciidamada Somaliland.

 

Wasiirka Daakhiligu wuxuu sheegay inay doonayaan in dhalinyarada dhamaystay dugsiyada sare ee dalka lagu daro ciidanka Booliska lana siinayo tababaro xirfadda ciidanimo iyo maamulkaba.

 

Md. Duur wuxuu ciidankan cusub u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan inay shacbigooda u adeegaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlo ka jeediyey madaxa tababarada dugsiga Mandheera C/laahi Budul Ibraahim iyo Bashiir C/laahi Xasan oo ah madaxa mashruuca dib u habaynta booliska iyo masuulim kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this