Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sareeyo Guuto Mohamed Ali Samatar Hambalyo Ciidamada Xooga dalka

Recommended Posts

Mas'uulka ugu darajada sareeya ciidanka Soomaaliya S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo degan dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay hambalyo hordhac ah u soo diray sanadguurada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ku beegan maalinta berri ah.

 

S/Guuto Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay in awooda ciidanka Xoogga dalka iyo taariikhda ay leeyihiin aan halkaan lagu soo koobi karin, balse waxa uu sheegay in mudadii 21-ka sano ahayd ee uu dalka galay xaalad fowdo iyo dagaallo sokeeye soo gaaray burbur xoog leh.

 

Waxa uu ugu baaqay Dowladda KMG ah inay wax ka qabato dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka oo uu sheegay inuu dalka ku soo celin karo ammaanka iyo kala dambeynta, wuxuuna tilmaamay in arrintaas lagu gaari karo oo kaliya in dib loo soo celiyo midnimadii ciidanka Xoogga dalka lagana saaro meesha qabiil qabiilkii iyo is kooxeysi.

 

"Hambalyo ciidamada Xoogga dalka, sanadkaan sanadkiisa waxaa laga rabaa inay soo celiyaan qaranimadii dalka" ayuu yiri S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo sheegay dhinaca kale in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan ciidamada qalabka sida.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo hal ujeeddo leh, isla markaana had iyo goor ilaaliya dastuurka wadanka, cadowgana ka difaaca, hase yeeshee waxaa nasiib darro noqotay in maanta ciidamadii sidaasi ahaa ay yihiin kuwo dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku dayacan.

 

"Dowlad kasta oo Soomaaliya ay yeelato wixii ka dambeeyay 21-kii sano ee aynu soo dhaafnay xil iskama saarin dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, taas ayaana keentay inay fashilanto" ayuu yiri S/Guuto Maxamed Cali Samatar oo sheegay in ciidamada dib u dhiskooda aanu ahayn wax sahlan looga baahan yahay in juhdi fara badan lagu bixiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this