Maaddeey Posted April 11, 2012 Waxgaradka Gobolka Mudug oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Xukuumada Puntland [sawiro+Cod] Updated:- 23 mins ago| 5 Commnets Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug modooyinkii danbe ka socday shirar ay yeelanayaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka oo looga soo horjeedo xil kororsiga xakuumada iyo barlamaanka Puntland . Kulamadan oo ay hormuud ka yihiin waxgaradka gobolka iyo ururada bulshada gobolka Mudug ayaa waxaa gabi ahaanba looga soo horjeeda muda kororsiga madaxweynaha iyo qaabka ansixinta dasturka cusub ee puntland oo 15 bishan april afti loogu qaadayo magaalada Garoowe. Dhamaan waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ka qayb galay kulamadan ayaa soo saaray bayaan ah in xukuumadda hadda jirtaa hadii ay ay xilka muddo sanad ah ku kororsato ay tahay mid qalad ah oo aan u cuntami karin shacabka ku nool gobolka Mudug . Axmed adan dheere oo ka mid ah khuburada dhanka maamul wanaaga isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii kacaanka ayaa isna ka hadlay qaabka ansixinta dastuurka isagoo sheegay in dastuurka ay ka muuqdaan qodobo danaysi ah oo aan dhab loo qeexin . Dhagayso Codka Axmed Aadan Dheere Axmed adan dheere ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka uu dastuurka puntland u qeexayo suhdinta gobolka Mudug isagoo sheegay in uusan siwanaagsan u qeexin suhdimaha gobolka uu leeyahay iyo inta degmo uu ka kooban yahay. Khabiirka ayaa waxaa kaloo uu ka hadlay wasaarada arimaha gudaha ee puntland aysan si toos ah u aqoonsanayn xaduudaha gobolada puntland gaar ahaan gobolka Mudug isagoo sheegay in xaduuda gobolka Mudug ay ku jirto Majhuul. Ugu danbaytii dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka ayaa ku baaqay in ay ka soo horjeedaan muda kororsiga xukuumada faroole iyo qaabka ansixinta dastuurka puntland oo dhawaan afti loogu qaadi doono caasimada Garoowe iyadoo dhanka kale shirar caynkan oo kale ah ay ka socdaan qaar ka mid gobolada Puntland. Axmed Caano geel Horseed Media Gaalkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted April 11, 2012 Those are random people, not even policy makers #FAIL Truth is, Faroole had some meetings in Gaalkacyo after the funeral of our legend (yours and mine) Abdullahi Yusuf Ahmed, he's set for now, 5 more years is different but the extension is more likely. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 11, 2012 No 5 years for Faroole can agree to that!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 11, 2012 Well done waxgaradka reer galkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 11, 2012 Ít's dilemma. It's a crucial year for Somalia and internal feuds and election campaigns will only undermine the position of Puntland. On the other hand if one doesnt protest his extension, he will likely try to get another 5 year. So, I can understand that some protest against his extension. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 11, 2012 Maadey at least is reporting positive news. No child suicide bombings or threats from fake religious groups. Quote Share this post Link to post Share on other sites