Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Road Project Going Well. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Boosaaso: Mid kamid Ah Jidadka Muhiimka Ah Oo Laami La Saarayo [sawiro]

Updated:- 4 hours ago| 12 Commnets

 

 

 

 

Waxaa dhisme lagu wadaa mid kamid ah waddooyinka isku xira Airportka iyo xarunta dowlada hoose ee degmada Boosaaso.

 

Wadadan oo dhererkeedu yahay 1.25km ayaa ah midda hormarta Hotelada JUBBA, GUUL iyo Garoonka kubadda cagta ee Boosaaso.

 

Cabdifataax Maxamed Sugulle oo ah xoghayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso, oo iyagu howshaas gacanta ku haya ayaa Horseed Media uga waramay meesha ay wax u marayaan.

 

Wuxuuna sheegay in jidkan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan magaalada Boosaaso laga dhigayo Laami si kor loogu qaado bilicda magaalada loona fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Mr Sugulle waxa kaloo uu xusay in jidkan dhowaan xarigga laga jari doono balse keliya ay hadda u dhiman yihiin labo lakab oo isugu jira jay nooca yar yar ah iyo Daamur.

 

Mar ay Horseed Media weydiisey sababta iyada oo weli jidkaas aan la dhamaystirin gaadiidka loogu ogolaaday inay maraan ayuu sheegay inay tahay arin farsamo taas oo qayb ka ah howsha dhismaha ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Jayga iyo Daamurku ay is qabsadaan.

 

Xoghayaha guddiga horumarinta degmada Boosaaso ayaa ugu danbeyntii baaq u diray, shirkadaha ganacsiga ee wadada weyn ee Laamiga ah hareeraheeda degen iyo dadka guryaha Laamiga ku dhereran iska leh, isagoo ka codsaday inay bixiyaan kharashkii horay looga codsaday si dayactirkii jidkaas ku socdey mar kale dib loogu bilaabo.

 

Guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo ka kooban Isimo, waxgarad, aqoonyahan iyo culimaa’uddiin ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa sidii Laami loo saari lahaa 4-kamid ah jidadka ugu waaweyn magaalada Boosaaso oo iyadu ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Puntland.

 

Horseed Media

Boosaaso

 

Heshiis-dhismaha-Jidka-Boosaaso-061-300x

Wadada-Hotel-Jubba-Dayactir-2-640x480.jp

Wadada-Hotel-Jubba-Dayactir-4-640x480.jp

Wadada-Hotel-Jubba-Dayactir-5-640x480.jp

 

Where are you somali tree fanatic

Wadada-Hotel-Jubba-Dayactir-1-640x480.jp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I've never seen anyone talking about how well bosaso is developing. Lets admit it guys. Cmon just be honest its the best city in somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this