Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President Sh Sharif Presidential Elections will be held in Mogadishu after 42 years

Recommended Posts

Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Muqdisho Soomali Oo Dhan Isugu Imanayso, Kana Dhacayso Doorasho Lagu Soo Dooranayo Dawlad Rasmi Ah

 

Muqdisho (Ramaas) Apr 9,2012 – Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Magaaladda Muqdisho ay ka dhacayso doorasho lagu soo dooran doona madaxda dawlada Soomaliya ee bedali doona hanaanka ku meel-gaadhka ah ay hadda ku shaqeeyaan.

 

Madaxwayne Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Muqdisho 42 sanadood ka dib ay ka dhici doonto doorasho madaxda dawlada lagu soo doorto, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in shacabku u diyaar-garoobaan.

 

Sheekh Shariif oo maanta ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay Muqdisho imanayaan dad badan oo aanu sheegin halka ay ka imanayaan, balse loo baahan in shacabku ka baxaan guryaha aanay lahayn ee ay ku jiraan “Sida aad la socotaan waxa lagu jiraa qorshe lagaga gudbiyo xilliga kala guurka ah looguna gudbayo dowlad joogto ah, waayo siddeed sano ayaan ku soo jirnay xilliga KMG ah, waxaanu doonaynaa in Muqdisho ay 42-sano ka dib ka dhacdo doorasho lagu soo dooranayo madaxda dowladda” ayuu yidhi waxaanu intaa intaa ku daray “Waxa la idiinka baahan yahay inaad u diyaar-garowdaan dadka soo socda, waayo Soomaali oo dhan ayaa isugu imaanaysa, mana doonayno inaad guryo dad ku jirtaan, waana in la banneeyo guryaha dadka

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHEEKH SHARIIF: "Shacabka Muqdisho waa inay u diyaargaroobaan sidii doorasho loogu qaban lahaa Muqdisho"

 

Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabad magaca looga badalayay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir looguna bixinayay magaca cusub ee Warta Nabadda ayaa sheegay in Muqdisho lagu qabanayo doorashada madaxda Soomaaliya kaddib muddo 42-sano ah.

 

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in shirka looga gudbayo marxaladda KMG ah ee ay dowladda hadda ku shaqeyso lagu qaban doono Muqdisho, laguna dooran doono madaxda dalka.

 

"Sida aad la socotaan waxaa lagu jiraa qorshe looga gudbiyo xilliga kala guurka ah looguna gudbayo dowlad joogto ah, waayo sideed sano ayaan kusoo jirnay xilliga KMG ah. Waxaana doonaynaa in Muqdisho ay 42-sano kaddib ka dhacdo doorasho lagu soo dooranayo madaxda dowladda," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay shacbka Muqdisho inay ka shaqeeyaan sidii ay bilicda magaalada u soo celin lahaayeen, guryaha jajabanna ay dib ugu dhisi lahaayeen, si ay cfaasimaddu ugu ekaato caasimad lagu qaban karo doorasho.

 

"Waxaa la idinkaga baahan yahay inaad u diyaar-garowdaan dadka soo socda waayo Soomaali oo dhan ayaa isugu imaanaysa, mana doonayno inaad guryo dad ku jirtaa... waan in la banneeyo guryaha dadka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in qabyaaladda laga fogaado ayna ka fogaadaan dadka caasimadda deggen qabiileysiga, isagoo sheegay in caasimaddu ay tahay magaalo ka dhexeysa Soomaalida oo dhan.

 

Ugu dambeyn, wuxuu hay'adaha ammaanka ku wargeliyay inay xoog uga saaraan dadka ku jira guryaha dadka ee diida inay ka baxaan, isagoo shacabka ugu baaqay in qofkii guri uusan lahayn ku jira uu isaga baxo, maadaama ay tahay in guri aan la lahayn lagu jiro doqonnimo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ maybe you need to read the history..

 

Sharif wuxuu ula jeedaa the last elected President of Somalia from June 10, 1967 until his assassination on October 15, 1969.

 

April 2012 - October 1969 = 42 years and few months..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malaha wuxuu ku wadaa democracy ayaa soo noqonaysa(even though this will be a selection rather than election) oo ugu dambaysay 68-dii. Though presidential elections were contested and voted across the country and not only in Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shinbir Majabe;816734 wrote:
^^ maybe you need to read the history..

 

Sharif wuxuu ula jeedaa the last elected President of Somalia from June 10, 1967 until his assassination on October 15,
1969
.

 

April 2012 - October 1969 = 42 years and few months..

Maybe you do. Sharmarke was elected in 1967, the elections were held in 1967. One should not tell us for the first time in 42 years, elections will be held on Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdullaahi Yusuf alla yaa raxmah was eleced in Nairobi and Sharif himself was elected in Djibouti. Now the next Somali President will be elected in Mogadishu it's that simple folks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this