Sign in to follow this  
kingofkings

PL Minister for Women/Family Asha Geelle Welcomes PL Diaspora

Recommended Posts

Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Arimaha Qoyska Puntland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda waxaana lagu soo dhaweeyay qaar ka mid ah qurbajoogta Puntland oo ka Yimid UK , waxaana halkaasi laga soo jeediyay hadalo ku aadan sida qurbajoogtu ay lafdhabar uga yihiin horumarka ka jira Puntland.

 

Cabdiqaadir Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska ayaa waxa uu sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan qurbajoogta oo ay ku faraxsan yihiin sida ay uga qaybqataan horumarka Puntland, waxaana uu sheegay in Wasaaraddu ay u taagan tahay dib u soo celinta waxyaalihii dhaqanka ahaa oo ka muuqday Wasaaradda sida haamaha iyo aqal Soomaali.

 

Agaasimuhu, waxa uu sheegay in ay doonayaan in markasta ay bulshada u soo bandhigaan waxa waajibka ah ay Ummadda u qabteen si xriirku u ahaado mid joogto ah.

 

Caasho Geelle Diiriye Wasiirka Wasaaaradda Haweenka ayaa waxay sheegtay in ay doonayso in ay Qurbajoogta u soo bandhigto waxyaalihii u qabsoomay sanadkii tagay, waxayna sheegtay in aad ugu faraxsan tahay xafladan ay samaysay.

 

Dhawr qof oo ka socday Qurbajoogta oo ka hadlay casho-sharaf ayaa waxa ay sheegeen in ay ka warqabaan waxqabadka ballaaran ee Wasaaraddu qabatay waxayna ku tilmaameen hormuudka Wasaaraddaha Puntland.

 

Abwaan Cabdirashiid oo sheegay in uu dalka ka maqnaa muddo 23 sano ah ayaa waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ula dhacay horumarka ballaaran ee dhanka ammaanka ah ee ka jira Puntland, waxaana uu mahadnaq ballaaran u jeediyay Wasaaradda Haweenka oo uu sheegay in looga soo dhaweeyay si aan Wasaaradaha kale looga soo dhawayn.

 

Sikastaba, casho-sharaftan ayaa ahayd mid Wasaaraddu ay ku muujinayso sida qurbajoogta iyo dadka gudaha aysan u kala maarmin oo qolo kastaaba markeeda la soo dhaweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this