kingofkings Posted April 8, 2012 Shirkadda Golis oo Biyo Dhaamis Ka Samaysay Deegaanada Abaartu Ka Jirto ee Gobolka Karkaar Qardho: shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa biyo dhaan ka sameeysay goobo ay abaaro ka jireen ee ka mid ah deegaanada gobolka Karkaar. Deeqda biyood ay shirkadu ku deeqday ayaa dhan 2500 Barmiil oo biyo ah. Abaarahaas ayaa ah kuwo dhawaanahaan laga soo sheegtay oo ka jira qaar ka mid gobolka Bari iyo sidoo kale gobolka Karkaar. Maamulaha shirkadda Golis Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa maanta mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah gudiyadii kala shaqaynaysay shirkadda in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan deeqda biyaha ah ayaa sheegay in shikadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay waxtarka bulshada dhibaateysan iyadoo kaalin libaax ka ciyaarto had iyo jeer wax tarka dadka tabaaleysan. Wuxuu mudane cawaale ku daray in talaabadaas ay shirkadu ku dhaqaaqday uu ka tarjumayo sida dhabta ay shirkadu uga fakareyso horumarka bulshada adeegyadeeda isticmaala. Biyo dhaankaas ayaa lagu soo waramayaa in uu gaarey dhamman goobihii loogu tala galay in la gaarsiiyo, dadka meelaha biyaha la gaarsiiyana waxay soo gudbiyeen in biyihii soo gaareen waxayna muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan shirkadda Golis Telecom Somalia. Goobihii biyaha la gaarsiiyey ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan: No: Magaca goobta biyaha la gaarsiiyey Tirade biyaha la gaarsiiyey 1. Karkaar Zones 400 Barmiil 2. Sheerbi 400 Barmiil 3. Baargaal 500 Barmiil 4. Dhaxamo 150 Barmiil 5. Shaxda 200 Barmiil 6. Xeeradaa Muudal 100 Barmiil 7. Geri-hel 400 Barmiil 8. Carmo 100 Barmiil 9. Sanjilbo 100 Barmiil 10. Tuulada Xabaal reer 50 Barmiil 11. Misir 100 Barmiil Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted April 8, 2012 Good job Golis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted April 8, 2012 The proverb says "If you give fish, you feed for a day, but if you teach how to fish, you feed for ever" Biyahan sanad waliba la dhaaminayo waxaa ka wanaagsan in roobku markuu do'o biya xireeno la sameeyo ama Dam biyaha lagu keydsho, booyadahan mar dhow way dhamaan mana aha Long term solution. Quote Share this post Link to post Share on other sites