Sign in to follow this  
Dr_Osman

Off The Road Projects Begins. Health Posts Open In Jariban EYL. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Xarun TB oo Eyl laga furey

8 Apr 8, 2012 - 9:01:04 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Munaasibadda xariga lagaga jaray xarunta caafimaad ee daweyntoonta dadka qaba xanuunka xaaqada ama TBDa Waxa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka pl Dr. Cali C,laahi warsame iyo wafdiga uu horkacayay oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil ka socota Hey'adda dhistay Xaruntan Caafimaad ee Muslim Aid,Maamulka Degmada Eyl iyo qeybaha Bulshada ee ku dhaqan ee deegaanka.

 

Hadalada Xafladda laga jeediyay waxey ahaan kuwa dhamaantood ku qotomay baahida Caafimaad ee ka jirta Degmada eyl iyo deeganada Hoostaga iyo ahmiyadda ay deegaanka u leedahay xarunta TBda ee la furay.

 

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Feysal Khaliif Waceys oo munaasibadda ka hadlay waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa siiyay warbixin ku aadan xaaladda Caafimaad ee deegaanka iyo Xaruntan xariga laga jaray Baahida ay dadku u qabeen iyo baahida caafimaad ee kale ee ay dadku qabaan

 

Madaxa TB wasaaradda Caafimaadka pl Dr,Cali Xasan oo qabiir ku ah TB oo isna munaasabadda ka hadlay waxa uu dadka deegaanka siiyay talooyin ku saabsan waxyeelada qofka uu u geysto cudurka TBgu hadii la qariyo iyo awooda ay xarunta u yeelandoonto daweynta dadka qaba xanuunka TBda

 

Xuseen Axmad Saacuud waa sarkaal ka tirsan Hey'da Muslim Eyd ee Dhistay Xarunta TBDa Degmada Eyl Hadaladii uu munaasabadda ka jeediyay waxa uu kaga hadlay Doorka ay hey'adu ka qaadatay kor u qaadida caafimaadka iyo waxbarashada oo ay si gaara ugu howlantahay iyo Xarumaha TBda lagu daweeyo ee ay hey'adu ka hirgalisay Soomaalia

 

Xubno ku hadlay afka Bulshada Deegaanka oo munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay dareenkooga ku aadan waxey latahay iney deegaanka ku soo kordhineyso Xarunta TBDA lagu daweeyo oo si bulaasha Dawooyin Cudurkan ciribtira u siin doonta dadka ku dhaqan Deyl Eyl iyo Deegaanada Hoostaga

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Cali C,laahi warsame oo ugu Dambeyn munaasabadda Soo xiray waxa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadku aysan awood u laheyn iney xaliso Baahiyo Badan oo dhanka caafimaadka ah oo ka jira Deegaanada pl,hasa yeeshee inta karoomkooga ah ay ay qaadayaan talaabo wax ku oola ayna ku talajiraan hadii alla idmo in eyl ay ka furaan Xarumo kale oo Caafimaad maadaama ay deegaanka ka jiraan Xanuuno kale oo qudhoodu u baahan in loo helo Dayo iyo Howlwadeeno

 

Dhinaca kale Radio Garowe oo maalintii 3aad uu Studio uu ka furty Degmada Eyl ayaa lagu soo hadal qaaday munaasabadda waxana dhamaan Xubnihii Goobta ka hadlay ay sheegeen in Dadku markii ay ka dhega la'aayeen waxa ka dhacaya Mandiqadda kale ee PL Balse u sahlanaaneyso iyagoo deegaankooga jooga in baahidooda u soon gudbiyaan Dowlada Dhexe lana socdaan wadciga iyo marxaladaha jira ee isbedela

 

Halkaan ka dhagayso warbixin uu ka diyaariyay xuseen shine xaflada

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xarun_TB_oo_Eyl_laga_furey.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xarun cafimaad oo Jariiban laga Furay

 

7 Apr 7, 2012 - 7:23:22 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa maanta 7,April,2012,waxaa laga furay xarun caafimaad oo qaabilsan qaaxada,waxaana xarunatan hirgelisay wasaaradda caafimaada dawladda Puntland oo kaashanaysa barnaamijka UNICEF wado ee Global Fun.

 

Xaflad balaaran oo xadhiga lagaga jarayey xarunatan ayaa ka dhacaday degmada Jariiban, waxaana ka qayb-galay wasiirka caafimaadka Dr,Cali Cabdullahi Warsame,masuulyiin kele oo ka tirsan isla wasaaradda & bahada caafimaadka,maamulka Jariiban,cuqaasha,culimada,iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

 

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi oo halkaasi ka jeediyey hadal dheer ayaa ugu horayn degmada dadka ku nool ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen dhanka amaanka iyo waxwada qabsiga,isagoo xusay in xarunta maanta laga hirgeliyey ay tahay tii 8-aad ee Puntland laga furay.

 

Wasiirka ayaa sidoo kele halkaasi ka magacaabay guddiyo ka shaqaynaya arimaha caafimaadka,sida isku duwe iyo masuliyiin xaruntan maamulidoona,waxuuna bulshada degmada jariiban ugu baaqay inay la shaqeeyaan.

 

Xubnihii kele ee xafladan ka qayb-galay oo ay ka dhexmuuqdeen duqayda iyo waxgaradka degmadaasi ayaa soo dhaweeyey xaruntan cusub oo ay ku tilmaameen mid aad loogu baahnaa madaama ay taabanayso caafimaadka iyo xanuunka TB-da oo farakulul ku haya bulshada taasoo lagula tacaalayo.

 

Halkan ka dhageyso dhaman codadkii munaasabada Jariiban ka dhacdey

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xarun_cafimaad_oo_Jariiban_laga_Furay.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Eyl: Radio Garowe oo laga dhagaystey

 

7 Apr 7, 2012 - 2:35:01 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Dadweynaha ku nool degmada taariikhiga ah ee Eyl ayaa soo dhaweeyey Idaacad FM oo Radio Garowe ay ka hirgelisay halkaasi iyadoo saaka 7,April ,2012 laga dhagaystay idaacadda,waana markii ugu horaysay idaacad FM ay gaadho magaalo xeebeedkan ka tirsan Gobolka Nugaal.

 

Maamulka Degmada iyo kan golaha deegaanka oo la hadlay Radio Garoowe ayaa tilmaamay in talaabadan ay qaaday Radio Garoowe ay tahay mid farxad gelisay qofka kasta ku nool degmada Eyl,waxay u mahad naqeen Idaacadda Garowe oo garatay baahida bulahdaaas marka la eego dhanka war helka wacyigelinta iyo madadaaladda.

 

Idaacadda Radio Garowe ayaa iyadoo adeegsanaysa qalab casriaya iyo isgaadhsiinta waxaa u suurtawday inay idaacadda garoowe gaadho degmada eyl,waxaana idaacdda u qorshaysan inay la gaarsiiyoo deegaano kele oo ka tirsan Puntland.

 

Halkan ka dhagayso warysiyo uu Axmed Cawil Eyl ku sugan qaadey

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Eyl_Radio_Garowe_oo_la_dhagaystey.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Eyl : Soo dhaweynta Radio Garowe

 

7 Apr 7, 2012 - 7:34:56 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Maamulka idaacada Radio Garowe ayaa dhowaanahan ku hawlanaa sidii degmada Eyl ee gobolka Nugaal looga hirgelin lahaa abid markii ugu horeysey idaacad FM ah magaalo xebeedkan.

 

Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac ayaa ka warbixyey tijaabadii ugu horaysay ee Idaacadda Radio Garowe ay ka samaysay degmada Eyl,wuxuuna sheegay inay tahay mid lagu guulaysatay si faseexana looga wada dhagaysatay degmdaas iyo degaanada ku xeeran oo dhan.

 

Bulshada ku dhaqan degmada Eyl ayuu sheegay inay aad u soo dhaweyeen idaaacadda,waxaa kele ay dadweynaha degmadaasi ay idaacdda ugu riyaaqeen maanta markay hawada gashay dhagasyiga idaacadaha caalamiga ah ee afka-Somaliga ku hadla sida BBC-da iyo VOA-da oo dhagaysigoodu u ku adkaa markay ka raadinayaan mawjadaha gaagaaban SW,tasooo hadda ay kaga baxeen FM-ta Radio Garowe.

 

Halkan ka dhagayso waraysiga Axmed Cawil oo Eyl jooga uu la yeeshay Irbad

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Eyl_oo_laga_soo_dhaweyey_Radio_Garowe.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this