Sign in to follow this  
Dr_Osman

Former VP Of Puntland Af-Qurac Blasts Farole Administration

Recommended Posts

Dr_Osman   

images24.jpg

 

Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo Weeraray Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole

Comments (3) | Write Comment

 

Nairobi [RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Afqurac oo ku sugan hadda dalka Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi ayaa si weyn u dhaliilay Xukuumadda hadda jirta ee u Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole isla markaana ku sheegay mid aan waxqabad la imaan mudadii ay talada Shacabka haysay.

 

Md. Xasan Daahir Afqurac ayaa sheegay in Puntland hadda looga dhawaaqay Maamul Goboleedyo taasina ay ku timid buu yiri ka dib markii ay ka gaabisay Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole wax u qabashada bulshada ku dhaqan deegaamadaas isla markaana waxa uu ku faanay in wakhtigii ay talada Xafiiska joogeen ee Xukuumadii Cadde Muuse goboladu ahaayeen 8-gobol balse tani ay muujinayso kala daadsanaan ku timid Dawladda hadda jirta.

 

.…””’ Haa anagu dalka markii aan Joognay 8-gobol ay ahayd Puntland hadda waa taas goboladii Maamulo samaystay weliba kala daadsanaan badan ayaa soo Korortay, mahayno wax hadda siyaado ah oo ay soo kordhisay Xukuumadda hadda jirta….””ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxa uu uu sheegay in mudadii ay talada dalka hayeen laga qabsaday oo kaliya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool isla markaana uu qorshuhu ahaa in ay dib u Xoreeyaan balse ay kusoo gashay Doorashadii Puntland taasina ay ka baqeen haddii xiligaas ay dagaal galaana loo fasirto dano gaar ah in ay ka lahaayeen.

 

….””’Intii aan Joognay waxaa la qabsaday magaalada Laascaanood laakiin aanu u diyaar garownay in aan soo xoreyno balse doorashadii ayaa nagu soo gashay,waxaan is niri haddii aad gashaan dagaal oo doorashadu 8-bilood ka harsan tahay armaa la moodaa in Ujeedo kale wataan taas ayaan u daynay…”””ayuu sidoo kale yiri.

 

Mar uu ka hadlay Madaxweyne Kuxigeenu Xukuumaddii uu ka tirsanaa hawshii iyo horumarkii ay ka qabatay Puntland ayaa isaga oo difaacaya waxa uu tilmaamay in hawlo badan qabteen kuwan ay u harsanaayeen kana mid yihiin dhisiada Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo Maxjarka Xoolaha lagu baaro inta laga rarin dekedda weyn ee Boosaaso.

 

Nabad-gelyada.

 

Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Afqurac oo sidoo kale ka hadlay dhanka nabadgelydda hadda ka jirta Puntland ayaa xusay in aysan ahayn mid caga fiican ku taagan loona baahanyahay in wax laga qabto,wuxuuna si faan ku jiro uga dhawaajiyey xiligii uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahaa in marka uu u kala Safraro magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso u ka xaysan Jiray laba gaari oo mid Tikniko qori saaran yahay ahaa taasina ay cadayneyso nabadgelyadii wakhtigaas ka jirtay Puntland.

 

Gabagabadii ayaa Xasan Daahir Afqurac waxa kaliya ee u ku amaanay Xukuumadda hadda jirta ee u hoggaamiyo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ay tahay bixinta Mushaaraadka xiligii ay joogeena ay laba bilood daahi jirtay lacagta balse la heli jiray Mushaaraadka oo ay dawladdu bixin jirtay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ you mean the somali ones, because other politicians in other societies retire for good. now of course you have your one or two that goes on to build a foreign based institutes, i.e. lobbing firms, but other than that, their done. since somali does not have a national functioning government, i propose using old ottoman law, where the current government execute fail politicians. this will for sure eliminate useless political trolls acting as peace spoilers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this