Carafaat Posted April 6, 2012 This thread is dedicated to legend, poet, singer, artist and comedian, Maki Xaaji Banadir. P.S. Can one of the older Ciyaal Xaafad's(MMA, Maddeey, Abwaan, BOB or Che) translate Maki for the qowdhans, dhaqancelis, sijui's and ciyaal casiir's for they will not catch all Maki says. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 6, 2012 my all time favourite. " frameborder="0" allowfullscreen> Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 6, 2012 Waa qofka kaliya Soomaali isku wada ah sida jilaa, heesaa, abwaan, majaajiliiste, murtiile, alifle, sheekeeye, soosaare... Markuu lahaa Soomaaliyeey Taxadir sanadkii 2000 wuu ogaa waxa soo socdo oo imaan doono, waana tan maanta socoto. Magaceena Soomaali Mushtamaceena Islaam Mawaadiniinta dadkeena Midab oo kala sooco Mabda' loo kala qaado Meesha iigama muuqato Midigteena kitaabka Mahuraanka islaamka Iyo mowqifka diinta Baan ku mideeysanehee Waxa meesha iiga muuqda Oo masiibada keenay Iyo macaluusha kordheeyso Maamul iyo kursi waaye Muran taa kama joogtee Maanka hanoo taliyo Maskaxdana ha shaqeyso In Soomaali maseerto Midnimo loo hanqaltaago Meesha waa ku jirtaa Mar haddeey madaxdeena Madasha toos u furaan Murunka soo afjaraan Muujiyaan iswalaashi Iyo mowduuc nabadeed Maslaxo caam ah dhisaan Masaakiinta caruurta Maatida heer tabareedka In mudnaanta la siiyo Midnimo loogu adeego Moxogoodana u xirtaan Wax macaan badan waaye Oon ku miirsan kareyno Maskaxdeen ku dageysoo Muraalkeen ku dhismaayo Muuse shaah iga dhiib Macoow haashka isii Maaxi koostar isaar Maanaboolyo igeey Muxudiin alif keen Maadeey qaam iska baar Mursal ii macbileey xaajiyayaasha midood ood macruufo tihiin Madiinaan u socdaa Ama meel uun ku sheeg Maska diirta cambuulo Iyo madaalka galeey Inaan maanta niraahno Mehered noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareysoo Miraheed la cunaayo Masaariifta caruurta Mugdi beey ku jirtaa Marasho, madaxsaar Iyo minan ijaar ma awoodno Mushaar meel laga dhiibo Oo maciishadda suuqda Maamulka qoyska Lagu moodi karaayo Mar horaa u dambeysay Inaan meesha yuurarnoo Maalin daa'in marqaano Waa marduuf ama qeyb Majin iyo qoriyaal maskaxdeen ku duqeyno Meherad noo noqon meyso Mustaqbalaa la rabaa Rajo muuqan kareysoo Miraheed la cunaayo Mufumeento la'aanta Mashaalkilka taagan Macbuudoow naga mooti Maslaxo caam ah nasii Inaan maanta niraahno Meesha waa ku jirtaa Mindi daab an laheyn Madax dooro ma goyso Xataa malaay sarsaroow Ma awoodi kareyso Midigta & bidixdeeda Ismagan sashadooda Waa muhiimadda guusha Mowqifkeena israaca Midnimo iyo xasilooni Maslaxo iyo nabad waarta Wax kaloo na maraaya Ineey meesha oolin Wa iska muuqan kartaa... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 6, 2012 Carafaat;815472 wrote: my all time favourite. " frameborder="0" allowfullscreen> Iska qulqul runtiis waayee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 6, 2012 If you can't decipher maki, one can't appreciate enough the man's poetic insights. Maky is a rare breed of wadani. Quote Share this post Link to post Share on other sites