Shinbir Majabe Posted April 6, 2012 Wararka ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen ilaa iyo labo degmo oo ka mid ah degmooyinka gobalka Bay. Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere. Sidoo kale wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-Shabaab ay ka sii baxeen degmooyinkaas isla markaana ciidamadaan iskaashanaya ay si nabad ah kula wareegeen. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay la wareegeen degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere, inkastoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan arintaan. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shinbir Majabe Posted April 6, 2012 Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay degmooyinka Qansax-dheere iyo Buurhakaba Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya inay la wareegeen Degmooyinka Qansax-dheere iyo Buur-hakaba, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sheegashada ku aadan la wareegitaanka degmooyinkaas. Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa sheegay inay Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya u suura gashay inay qabsadaan Buurhakaba iyo Qansax-dheere, isagoo xusay in si la mid ah Baydhabo oo kale ay ula wareegeen. "Maanta Ciidamada dowladda waxaa u suura galay inay la wareegaan Buur-hakaba iyo Qansax-dheere, , sida Baydhabo oo kale ayaa lagu qabsaday, nimankaas diyaar uma ahan inay dagaal galaan, cudud ciidan iska celiyaan, kaliya inay shacabka dhibaateeyaan oo ay u hanjabaan"ayuu yiri Xildhibaanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalo ay ka kala dhaceen duleedka Qansax-dheere oo Ciidamada intii ay ku wajahnaayeen jidka loo galay, sidoo kale dhanka Buurhakaba ayaa warar rasmi ah laga sheegi karin xaaladeeda, inkastoo Shabaabka ay ka baxeen degmada. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada degmooyinka Qansax-dheere iyo Buurhakaba oo Dowladda sheegtay inay gacanteeda soo gashay. Source: Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 6, 2012 The Ethiopians did all the work they attacked the city yesterday with 600 men and more than 50 military vehicles. The TFG were allowed to come this morning after shabaab vacated the city yesterday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shinbir Majabe Posted April 6, 2012 Xaaji, Ethiopians ka ayaad jeceshahay all the credits inaad siiso.. Waanu kaa yeelnay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 6, 2012 TFG spreading its wings throughout Somalia. Kikuyu, meesha ka leexo we are coming to Kismaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Boondheere Posted April 6, 2012 al shabaab supporters xaasidnimada waxay ku darsadeen nacasnimo. haddii ay magaalo isaga ordaan waxay yiraahdaan ETHIOPIAN ayaa naga erday. guusha uma quuraan their fellow Soomaalis. bal ceebtaas arka. al shabaab fuleynimadooda markeey maqlaan Ethiopian ayaa soo socdo 24 hours ka hor ayeyba magaalada isaga ordayaan. bal aaway beentii jihaadka iyo jannadaan galaynaa. jihaadka iyo janada ma waxaa lagu galaa Kaliya haddii aad la dagaalantaa Soomaalida kale. waxaa yaab ah Baydhabo ethiopianka ciidankooda xitaa Singel TANK ama kaaro ma wataan. gawaari fiican xitaa ma wataan. iyagoo lugeynaya ayey magaalada soo galeen. al shabaabna waaba ka sii ordeen. laakiin al shabaab markay maqlaan SOMAALI xitaa TANKS iyo hub casri ku hubeysan ayaa soo socot markaa waxay u dagaalamayaan sidii LIBAAX. al shabaab cowards. Quote Share this post Link to post Share on other sites