Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Minister of Health Office receive new vehicles

Recommended Posts

Garowe: Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa maantey Mootooyin kala wareegay Hay’adda Save The Children, Munaasibada lagula kala wareegayay gaadiidkan ayaa ka dhacday Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaana joogay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo wakiilo ka socday hay’adda Save The Children ee qalabka siisay Wasaaradda Caafimaadka.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaradda caafimaadka ayaa hay’adda Save The Children uga mahadceliyey kaalinta balaaran ee ay Caafimaadka Puntland ka qaadato isagoo carabka ku dhuftey Wasiirku in Save The Children ay gacanta ku hayso guud ahaan Caafimaadka Gobalka Karkaar iyadoo bixisa mushaharaadka shaqaalaha xarun kasta oo Caafimaad oo ku taal Gobalka Karkaar min Degmo ilaa Tuulo.

 

“ Waxaa sharaf ii ah inaan maantey Save The Children kala wareego Mootooyin gaaraya lix xabo looguna talagalay in looga shaqeeyo Caafimaadka, mootooyinkan waa qorshe cusub oo ay wasaaraddu ku doonayso inay gaadiidkeeda caafimaadka ka shaqeynaya uu u yeesho nooc walba iyadoo aan rabno inaan uga faa’idaysano meelaha uusan gaarigu mararka qaar gali Karin sida hadii roob xoog badani da’o oo wadadu go’an tahay” ayuu yiri wasiirku.

 

Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu intaas ku daray in hay’adda Save The Children ay wasaaradda ku wareejisay qalab loogu talagalay in lagu kaydiyo talaalka oo qoroxda isticmaalaya (Solar) kaasi oo ay wasaaraddu baahi weyn u qabtey maadaama sida wasiirku sheegay ay jiraan meelo aan Koronto lahayn adeegii caafimaadkana looga baahan yahay.

 

“ Save The Children waxay kaloo wasaaradda ugu deeqday qalab lagu qaboojinayo laguna kaydinayo daawada sida Talaalka qalabkaas oo ku shaqeynaya qoroxda (Solar) waa qalab muhiim noo ah oo aan uga faa’idaysanayno inaan geyno xarumaha ku yaala tuulooyinka fog fog ee Korontada aan lahayn si adeegii mar kasta looga helo oo uusan uga kala go’in, waxay kaloo hay’addani xarunta Wasaaradda caafimaadka noogu soo xirtey Internetka VZ-ka loo yaqaano ee tooska ah kaasi oo noo suuragaliyey inaan shaqadayada labo laabno oo aanu ka baxno awood la’aantii Internetka ee nahaysay hadana aanu waqtigaanu rabno xiriir la samayn karno Gobalada dalka iyo caalamkaba maadaama Internetku uu maanta yahay aalada wax walba aduunkan ka fududeysay mahad balaaran waxaan usoo jeedinayaa hay’adda hormarinta iyo gargaarka u qaabilsan dowladda Ingiriiska ee DFID oo dhaqaalaha mashruuca Gobalka Karkaar bixisa soona marisa Save The Children” ayuu yiri wasiirka caafimaadku. Sawiradii oo idil hoos ka daawo

 

Madaxa farsamada hay’adda Save The Children Kunuuz Cabdala ayaa isaguna wasiirka uga mahadceliyey mahadnaqa balaaran iyo soo dhaweynta wuxuuna sheegay in Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda Save The Children ay ka wada shaqeeyaan Caafimaadka Gobalka Karkaar uuna yahay wasiirka caafimaadu masuulka waqti badan ku bixiyey inuu hay’adooda ka dhaadhacsho kuna dhiirigaliyo inay Caafimaadka Gobalka Karkaar la wareegaan. Kunuuz wuxuu sheegay in kaalintoodu aysan noqon doonin mootooyinka ay baxsheen iyo qalabka kale balse yoolkoodu uu yahay inay intaas kasii wanaajiyaan Caafimaadka Gobalka Karkaar iyo mashaariicda kale ee ay Punltnad ka fuliyaan.

 

Dhanka kale waxaa maantey Wasaaradda Caafimaadka kusoo gabogaboobey shir ay Wasaaradda Caafimaadku labadii maalmood ee u danbaysay la yeelanaysay Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Karkaar iyo hay’adda Save The Children kaasi oo ku aadanaa waxa iska badalay xaalada caafimaadka ee Gobalka Karkaar iyadoo Wasaaraddu ay warbixinada ka dhagaysatey shaqaalaha Caafimaadka ee Gobalka Karkaar.

 

Gobalka Karkaar oo ah Gobalka ugu sad weyn dhanka Caafimaadka Puntland maadaama uu yahay Gobalka Kaliya ee Caafimaadkiisa guud ahaan min degmo ilaa heer tuulo ay hay’adi gacanta ku hayso oo dadka ka shaqeeya ay helaan mushahaar ku filan iyo adeegii caafimaadka oo joogto ah iyo waliba haduu gaadiidkii loogu daray. Gobalkan ayaa Wasaaraddu ku dhaliishay inaysan shaqada u qaban sidii loogu talagalay oo aysan uga faa’idaysan gacanta weyn ee ay ka helaan wasaaradda iyo hay’adda Save the Children.

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimadaka oo kulankan maantey ka hadlay waxay kula dardaarmeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta caafimaadka ee Gobalka Karkaar inay meesha iska qaadaan loogana fadhiyo in Gobalka Karkaar Caafimaadkiisa ay ka dhigaan gobalka ugu horeeya Puntland maadaama uu yahay Gobalka dhaqaalaha ugu badan ee dhanka Caafimaadka iyo Adeegaba hela. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu sheegay inay Wasaaraddu wax ka badali doonto xaalada hadii aysan maamulka Caafimaadka ee Gobalka Karkaar aysan la imaan shaqadii looga baahnaa iyo dadaal xoog leh iyadoo wasiirku uu carabka ku dhuftey inaysan suuro gal ahayn in Gobalka Karkaar oo mashruuca ugu weyn Caafimaadka Puntland uu ka socdo inuu hadana ugu hooseeyo Gobalada marka qiimeyntii sanadkii hore lasoo saarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this