Xaaji Xunjuf Posted April 5, 2012 War Deg Deg ah: CWXO oo xalay Magaalaad Qabridahare ciidanka gumaysiga ku weeraray baabuurna kaga gubay. Halkan ka dhagayso Radio Qorahay April 4, 2012 (QOL) War hada na soo gaadhaay ayaa sheeegaya weerar balaadhan oo ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta O'gadenya ku qaadeen Xero ay Ciidanka Tigreegu ka daganaayeen Xaafada loo yaqaano Ceel-Xaar oo xaafadaha Magaalada Qabridahare ka mid ah, dagaalkaas oo ahaa mid si hufan loo qorsheeyay ayay CWXO ku mireen xerada Tigreega waxayna ku garaaceen hubka noocyadiisa kala duwan. Wariyaha Qorahay Media ee O'gadenya ka soo warama Mr Shukri Buli oo aanu goor dhawayd khadka is gaadhsiinta kula xidhiidhnay sida uu noo xaqoiijiyay weerarka ay Xalay CWXO Tigreega Magaalada Qabridahere dagan ku qaadeen waxaa ka dhashay khasaare aad u culus waxaana gumaysiga laga gubay inta la hubo hal Baabuur oo nooca Qabaalka loo yaqaano ah. Baaburka la gubay waxaa saarnaa Ciidan Tigree ah oo xero kale ka soo gurmaday kuwaas oo doonayay in ay CWXO ee weerarka soo qaaday dhabarjabin ku sameeyaan. CWXO ayaa saacado kadib iskood Magaalada uga baxay iyagoo wax khasaare ah aan la kulmin, warku wuxuu intaas ku darayaa in saaka waabarigii ay Tigreegu dadweynaha Magaalada Qabridahare Makarafoono la dhex marayeen iyagoo leh hala soo baxo kana argagaxsan dagaalkii xalay xerada ciidanka Tigreega lagu burburiyay. Sikastaba ha ahaatee CWXO ayaa baryahan si aad ah u kordhiyaya hawlgalada ay ciidanka gumaysiga dhulka *O'gadenya kaga sifaynayaan waxayna Tigreegu horay uga caageen in ay CWXO doontaan taasina waxay kaliftay in ay CWXO maxaysatada Tigreega ku weeraraan xeryaha ay Magaalooyinka waaweyn ka daganyihiin. Shacabka Soomaalidda O'gadenya ayaa bilihii u dambeeyay aad ugu diirsaday hawlgalada CWXO waxaana dhulka O'gadenya ka jira kacdoon culus oo ay Tigreeegu aad uga walwalsanyihiin waxaana bilihii ugu dambeeyaya gumaysiga lagu qaaday weeraradii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa. Dagaalada is dabo jooga ah ee ay CWXO maxaysatada Tigreega ku asqaynayaan & guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Ogadeenya wixii ka soo cusboonaada wararka dambe kaga bogo. Quote Share this post Link to post Share on other sites