Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Arab league to host a reconciliation conference between the TFG and the Alshabaab.

Recommended Posts

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaaka oo sheegay inay shir dib u heshiisiin ah u qabanayaan Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG

Kulan ay si wada jir ah ugu yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga wafdi ka socday Jaamacadda carabta, Ururka dalalka Islaaka iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhameynta khilafaadyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida, waxaana shirkaasi ay Jaamacadda carabtu u gudbisay ururka Islaamka qorshe ay ku sheegayso inay xal ugu raadineyso dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya isku haya.

Shirkan oo uu shir guddoominayey Xoghayaha guud ee dalalka Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle ayaa looga hadlay doorka beesha caalamku ay ka qaadan karto xal u hellidda arrimaha Soomaaliya, waxaana si weyn loogu dhaliilay shirarka dhaqaalaha loogu aruuriyo Soomaaliya ee ay qabtaan dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay in 10% wax ka yar ay bixiyaan deeqaha ay ugu yaboohaan Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay u baahantahay 10-milyan bil kasta si ay wax uga qabato dhismaha hay’adaha dowladda, arrimaha amaanka, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale oo dowladda KM G horyaala, haddana beesha caalamku ma bixiso dhaqaalaha ay ku yaboohaan taasina waxay dhabarka ka jebineysaa qorshaya ay dowladdu wax uga qaban laheyd arrimo badan” ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka soo baxay shirka gebagebadiisii.

“Waa lagama maarmaan in xal loo helo khilaafaadyada u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida oo ay ku jiraan khilaafka u dhaxeeya dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda siyaasiyan iyo askariyan intaba, maanta ka dib waa inaanan maqal khilaaf ka dhexjira dhinacyada Soomaalida, waayo xasilooni-darida ka jirta Soomaaliya waxay qatar weyn ku tahay caalamka intiisa kale” ayuu yiri Xoghayaha guud ee dalalka Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle.

“Xoogga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Al-shabaab waa inay ogolaadaan dhexdhexaadin ay Jaamacadda carabta ka dhexsameyso, isla markaasna loo soo afjaro khilaafka iyo gacan ka hadalka mudada dheer ka jiray dalka Soomaaliya, beesha caalamku waa inay iyana bixisaa dhaqaalaha ay ku yaboohdo si xal waara looga gaaro arrimaha siyaasadda Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dhinacyadan sedexda ah ay wadayeesheen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this