AYOUB Posted April 5, 2012 Sida ku cad sawir laga soo qaaday Janaasadii lagu dukanayey madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxaa salaadda bixiyey madaxweyne Shariif, oo isagu sida dhaqanka u ah doonaya inuu wax walba safka hore uga jiro, Jabhadnimo sida C/laahi Yuusuf, Jananimo sida Indhacadde, Profnimo sida Gaandi. Safka xigay madaxweyne Shariif, waliba ku aadanaa dhabarkiisa, waxaa taagnaa Mahige, oo sida sawirka ku cad gacanta bidixi u korraysay, taa oo ah xeer ka baxsan salaadda ay fartay diintu, haddaba, su’aasha ayaa ah: Mahiga ma Muslimaa mise ma ahan? Ani ahaan waxba iigama xirna, hubaal inaysan dad badanna waxba uga xirnayn, balse, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ma suuragalbaa in Janaaso Muslin uu safka hor ka taagnaado nimaan Muslin ahayn?! Waliba aan si qumman isu qaabin, aqriste bal liilkan hoose daawa. Video > http://blip.tv/somaliswiss/mahiga-miyuu-muslimay-6049869 Full article > http://www.qaranimo.com/2012/mar/Imaamnimada_Shariif_iyo_Allaahu_akbarta_Mahiga_mar_28_2012.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites