Abtigiis Posted April 4, 2012 Wariseey dharaarahan, Naftaydii walaaqdayo Walwal iyo dhibaatiyo Walbahaar ku beertee Waxse aad ogaataa Ban laguma waree Waad soo labaanaysaa Wiilashii kumaagiyo Ninka meesha maamula Hadii aan ku wayno Wiigan gudahiisa Midkood baan wareemi Wagar aan lalaaci... Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted April 4, 2012 A&T waa inaad give up gareysaa dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted April 4, 2012 Ku sinaan dharaatii La sargooyeey internetkee La sameeyey Somaliaonline Dadku ma sinaynoo Mid siduu doono Cay u saydhoo Cidiina saa u eegin iyo Qaar haday safaadaan LST seefta saaraa Subax noolba joogee Ha saluugin qaybaha Faroolaa sameeyee Kalagaro sax iyo qalad In somaalidu waligeee Kala tahay south iyo north Waad soo noqonaysaa kow dheh Maaddeeyna la saaxiibi maysid laba dheh Samir yeelo waligaa Somaalinaay ha fududaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted April 4, 2012 Dadka ban-proof ka ah juxa ka mid ah :D Juxa- adiguu ku maqlaabaa la yidhi ninkan reer bookh ee bal lahadal oo gabadha soo celi ku dheh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted April 4, 2012 To be fair, I will continue with "T" if I can. Sidaad mooday maahee, Abtigiis ha talax tegin Talo-xume ha noqonine, Ka tilaabso tuhunkaas Tiiraanyo ma xumee, Maxaa keenay tacadiga? Tolnimo haday tahay, talo saartay adigiyo Inta doontay taakulayn Balse taadu ma cadee Turxaan bixintu waa see? Tusbax go’ay sidiisii Ma in lays tilmaamoo, Tuhun laysku toogtoo Cay layska buuxshaa? Cidii hoy tiraahdana, Candhuuf lagu tufaa baa? Juxa, waan ku salaamay inadeer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted April 4, 2012 Mar haddii Thread-kaan Ku tiiq-tiiqasaday la tirayoo Lagu daray taqsiintiii Maxaa noo talaahoo Ku talaabsanaa subaxaan ma runtaan tibaaxnaa? Ma tartiibsanaayoo Sida tuug sidiisii Taag-taagsi soconnaa? Mise waanu talax tegi Libaax & tafiirtiis U tirinnaa xumaantood Soo qufnaa taariikh hore Ku tixnaa sadaradan..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 4, 2012 Sal fudayd Soomaalaan u ahee Silsiladii oo socotaan, sacabka u tumee Sorry bal an iraahdo hadday wax saxayso. Abtigiisna ma uu samrinoo Sadaradiisaa saa akhriyayee Suntii caashaqaa ku sii fidaysoo Insomniyada saamalaylkaa ka sii waashee Somaliaonline ku soo cararyoo Wixii sir u ahaa ku sifeeyoo Yartii Soomalinana dhegaha ka furaysatoo Sideen u galnaa nin sabir badan weeye. Cishqiga sidiisaba Cyberworld-kaa ka sii waaloo hanaankiisi suubanaa wuuba suuloo Skype iyo sms saa u xiimayaa seefaha u gurtee Sifaha Abtigiisna ma sii saafayee SOLers waa arkaan sida wax u dheceen Falceliskoodana waa la sugayaa.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted April 4, 2012 Salaamulah libaax... Abtigiisow Anigu koleyba codsigeygu ma badna as I am economical about it lakin on behalf of the women folk waxan dhihi lahaa Admin this time naga aqbal. I just like her diracnimo Hade caano sidee udaataan lama dhahee arinta hala da.bo qabto insha Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted April 4, 2012 Bisinkee, ka leexda bal!! Meeshu inay SOL tahay Nin sadkii gaarra ay tahay Libaax u sugaha yahay Ma nin seegan baa jira? Mar haddaad sarxarad iyo Qodob aan salkiisaba Lagu simin ruulkaa Sanka taabte noo dhigay Haddii aad saf dhaaftana Inay seeftu kula tagi Ma nin seegan baa jira? Sidii samanaddii hore Kuway seeftu leeftee Innankii Subeyr iyo Saafi qaali gabantii Loo sacab tumaayay Markii subax arooryaad Safka hore la taagee Sacabadaba laga jadhay Ma nin seegan baa jira? Sedexdaa sifeeyee Saaxiib Libaaxow Inantii Sureer ee Saqda dhexe habeenkii Dadku wada saliim yahay Sidii musaafo doon tahay Sumadeedii SOL eed Ka masaxday madashii Saaxiibow soo celi !! Sal fudeydba lagu sheeg Bal si uu Abwaaniyo AT&T-gaa indhihii guduuteen Subxo igu maqsuudaan Soo celi Sureer yaray!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
ElPunto Posted April 4, 2012 ^Juxa - I agree - I wish you luck. Let's face it though - a Somalina that has been begged to come back - likely comes back bigger and badder than ever. Kolay - I'm sure some here will cabaad once again if she is let back in. Reer bookh - ma la hubaa? Too bad all the PMs have been disabled. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 4, 2012 Oo miyaa Somalina la mamnuucay beryahan waan maqnaaye? Goortee, goobtee iyo gefkee lagu mamnuucay waa hadday jirto'e? Quote Share this post Link to post Share on other sites
ElPunto Posted April 4, 2012 Oo meesha maxa ka tirisay marka haddadan warkaba la socon? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted April 4, 2012 Jacaylkii hore uu Abtigiis u muujiyey Somalina baan dabajoogay. Guys, fill me in... what caused such a figure to be banned? Quote Share this post Link to post Share on other sites