Sign in to follow this  
Abtigiis

Somalinaay dharaarahan

Recommended Posts

Abtigiis   

Wariseey dharaarahan,

Naftaydii walaaqdayo

Walwal iyo dhibaatiyo

Walbahaar ku beertee

Waxse aad ogaataa

Ban laguma waree

Waad soo labaanaysaa

 

Wiilashii kumaagiyo

Ninka meesha maamula

Hadii aan ku wayno

Wiigan gudahiisa

Midkood baan wareemi

Wagar aan lalaaci...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Ku sinaan dharaatii

La sargooyeey internetkee

La sameeyey Somaliaonline

Dadku ma sinaynoo

Mid siduu doono

Cay u saydhoo

Cidiina saa u eegin iyo

Qaar haday safaadaan

LST seefta saaraa

Subax noolba joogee

Ha saluugin qaybaha

Faroolaa sameeyee

Kalagaro sax iyo qalad

In somaalidu waligeee

Kala tahay south iyo north

Waad soo noqonaysaa kow dheh

Maaddeeyna la saaxiibi maysid laba dheh

Samir yeelo waligaa

Somaalinaay ha fududaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Dadka ban-proof ka ah juxa ka mid ah :D :D

Juxa- adiguu ku maqlaabaa la yidhi ninkan reer bookh ee bal lahadal oo gabadha soo celi ku dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To be fair, I will continue with "T" if I can.

 

Sidaad mooday maahee,

Abtigiis ha talax tegin

Talo-xume ha noqonine,

Ka tilaabso tuhunkaas

Tiiraanyo ma xumee,

Maxaa keenay tacadiga?

Tolnimo haday tahay,

talo saartay adigiyo

Inta doontay taakulayn

Balse taadu ma cadee

Turxaan bixintu waa see?

 

Tusbax go’ay sidiisii

Ma in lays tilmaamoo,

Tuhun laysku toogtoo

Cay layska buuxshaa?

Cidii hoy tiraahdana,

Candhuuf lagu tufaa baa?

 

 

Juxa, waan ku salaamay inadeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Mar haddii Thread-kaan

Ku tiiq-tiiqasaday la tirayoo

Lagu daray taqsiintiii

Maxaa noo talaahoo

Ku talaabsanaa subaxaan

ma runtaan tibaaxnaa?

Ma tartiibsanaayoo

Sida tuug sidiisii

Taag-taagsi soconnaa?

Mise waanu talax tegi

Libaax & tafiirtiis

U tirinnaa xumaantood

Soo qufnaa taariikh hore

Ku tixnaa sadaradan.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Sal fudayd Soomaalaan u ahee

Silsiladii oo socotaan, sacabka u tumee

Sorry bal an iraahdo hadday wax saxayso.

 

Abtigiisna ma uu samrinoo

Sadaradiisaa saa akhriyayee

Suntii caashaqaa ku sii fidaysoo

Insomniyada saamalaylkaa ka sii waashee

Somaliaonline ku soo cararyoo

Wixii sir u ahaa ku sifeeyoo

Yartii Soomalinana dhegaha ka furaysatoo

Sideen u galnaa nin sabir badan weeye.

 

Cishqiga sidiisaba

Cyberworld-kaa ka sii waaloo

hanaankiisi suubanaa wuuba suuloo

Skype iyo sms saa u xiimayaa

seefaha u gurtee

Sifaha Abtigiisna ma sii saafayee

SOLers waa arkaan sida wax u dheceen

Falceliskoodana waa la sugayaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

Salaamulah libaax...

 

Abtigiisow Anigu koleyba codsigeygu ma badna as I am economical about it lakin on behalf of the women folk waxan dhihi lahaa Admin this time naga aqbal. I just like her diracnimo

 

Hade caano sidee udaataan lama dhahee arinta hala da.bo qabto insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bisinkee, ka leexda bal!!

 

Meeshu inay SOL tahay

Nin sadkii gaarra ay tahay

Libaax u sugaha yahay

Ma nin seegan baa jira?

 

Mar haddaad sarxarad iyo

Qodob aan salkiisaba

Lagu simin ruulkaa

Sanka taabte noo dhigay

Haddii aad saf dhaaftana

Inay seeftu kula tagi

Ma nin seegan baa jira?

 

Sidii samanaddii hore

Kuway seeftu leeftee

Innankii Subeyr iyo

Saafi qaali gabantii

Loo sacab tumaayay

Markii subax arooryaad

Safka hore la taagee

Sacabadaba laga jadhay

Ma nin seegan baa jira?

 

Sedexdaa sifeeyee

Saaxiib Libaaxow

Inantii Sureer ee

Saqda dhexe habeenkii

Dadku wada saliim yahay

Sidii musaafo doon tahay

Sumadeedii SOL eed

Ka masaxday madashii

Saaxiibow soo celi !!

 

Sal fudeydba lagu sheeg

Bal si uu Abwaaniyo

AT&T-gaa indhihii guduuteen

Subxo igu maqsuudaan

Soo celi Sureer yaray!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^Juxa - I agree - I wish you luck. Let's face it though - a Somalina that has been begged to come back - likely comes back bigger and badder than ever. Kolay - I'm sure some here will cabaad once again if she is let back in. :D

 

Reer bookh - ma la hubaa? Too bad all the PMs have been disabled.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Oo miyaa Somalina la mamnuucay beryahan waan maqnaaye? Goortee, goobtee iyo gefkee lagu mamnuucay waa hadday jirto'e?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Jacaylkii hore uu Abtigiis u muujiyey Somalina baan dabajoogay. Guys, fill me in... what caused such a figure to be banned?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this