Sign in to follow this  
Shinbir Majabe

DEG DEG: Qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho

Recommended Posts

Golaha Murtida iyo Madaddaalada ee National Tiyaatarka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inuu qarax aad u weyn oo ilaa 6 – qofood ay ku naf waayeen uu ka dhacay gudaha masraxa agtiisa iyadoo ay is miidaamisay gabar ku rakibnayd waxyaabaha qarxa.

 

Marka qaraxu dhacayey ayaa waxaa khudbadiisu socotay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdiwali Maxamed Gaas.

 

Waxaa goobta kusugnaa mas’uuliyiinta dowladda, Fanaaniinta hobolada Waaberi, Horseed, marti sharif fara badan, qeybaha bulshad Xamar iyo warbaahinta ka howlgasha Gobolka Banaadir.

 

Ma cada in Ra’iisul Wasaaraha laftiisa ay wax soo gaareen iyo inkale, laakiin si deg deg ah ayaa ciidamada amaanka goobta uga saareen, iyadoo meeshii oo dhan ay isku bedeshay jahwareer.

 

Qaraxaan ayaa fulisay gabar isku soo rakibtay waxyaabaha qarxa, iyadoo aanan la garanayn qaabkii ay kusoo gudubtay ilaalada albaabka iyadoo dadka qaar ay ku doodayaan inaay wax ka ogaayeen booliiska amaanka sugayey.

 

Aadan Xaaji Yabrow Wiish oo ah gudoomiyaha Gudiga Olompikada Soomaaliyeed iyo Xoghayaha xiriirka Kubada Cagta Siciid Mungaabe ayaa lasheegay in uu dhaawac soo gaaray inkastoo aan la cadeyn inuu culus yahay iyo inkale.

 

Warar aan hada heleyno oo hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan uu goor dambe dhaawac ahaan ugu geriyooday allaha u naxariistee Siciid Mugambe.

 

Fananada Aamino C/lle Macow aayaa haatan u waramaysa saxaafaada iyadoo waliba ilmaynaysa inkastoo ay ka badbaaday qaraxaasi.

Sidoo kale fanniita Axmed Cabdi Gaashaan iyo Faadumo Baajuuni ayaa igana sheegay in ay dhawacmeen sidoo kale Cabdi tahliil oo garbaha lagahayo ayaa laga soo saaray inkastoo aysan waxba gaarin.

 

Halkaasi ayaa waxaa ka socotay Xaflad loogu dabaal dagayay sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyeyaashii Gudiga Olombikada Iyo Xiriirka Kubadda Cagta Oo Ku Geeriyooday Qaraxii Tiyaatarka

 

Waxaa soo baxaya faah faahino dheeraad ah oo la xiriira qasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay xaruntii golaha murtida iyo madadaalada ee National Tiyaatar.

 

Dadka sida rasmiga ah loo xaqiijiyey iney qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iyo Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Saciid Mugaambe waxaana Labaduba ay ku geeriyoodeen qaraxii maanta ayadoo Aadan Xaaji Yabaroow Wiish uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.

 

Dhanka kale dhaawacyada oo weli tirakoob rasmi ah lagu haayo ayaa hadana waxaa soo baxaya in Laba Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan ay goobta ku dhaawacmeen waxaana labadaasi xildhibaan ay kala yihiin Mowliid Macaane Maxamed iyo Xildhibaan Yaasiin Bucul.

 

Inkastoo tirakoobku uusan si rasmi ah usoo gebagaboobin ayaa hadana wararka horudhaca ah ee aynu heleyno waxay sheegayaan in dad gaaraya Shan ruux (5) oo ay ku jiraan dad shacab ah oo kasoo qeybgalay Xafladda ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu Toban Ruux (10)gaarayo.

 

Source: Radio Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this