kingofkings Posted April 4, 2012 Tababar ayaa uga socda magaala madaxda Puntland ee Garoowe saraakiil ka tirsan laanta nabad gelyada wadooyinka ee ciidamada Booliska. Tababarka loo furay saraakiisha ciidamada Traafikada ayaa ah mid lagu baranayo arimo badan oo ay ku jiraan baarista shilalka khasaaraha geysta ee ka dhaca wadooyinka. Waxaana bixinaya saraakiil Jabuutiyaan ah kuwaas oo ay dowladda Jabuuti soo dirtay kadib markii ay mas’uuliyiin uu madaxweynuhu ka mid yahay dhowaan dalka Jabuuti booqasho ku tageen. Taraafikada oo kamid ah laamaha ugu muhiimsan ciidamada Booliska ayaan in mudo ah loo sameyn tababaro ku aadan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa si ay shaqadoodu u noqoto mid tayo leh. Dhinaca kale tirada Taraafikada ayaa ah mid aad ugu yar magaalooyinka waaweyn sida Garoowe, Gaalkacayo iyo Boosaaso oo iyadu ah magaalo aad u saxmad badan shilalka gaadiidkuna ay yihiin kuwo mar walba ka dhaca. Qaybo badan oo bulshada kamid ah ayaana aaminsan in hadii ciidamada Taraafikadu ay ahaan lahaayeen kuwo u shaqeeya si joogto ah islamarkaana haysta tasiilaadkii howshooda u fududeyn lahaa ay baajin lahaayeen shilal badan oo khasaare geysta. Si kastaba ha ahaatee tababarka Garoowe uga socda saraakiisha ciidamada Taraafikada ee Puntland ayaa imaanaya xilli mudooyinkii u danbeeyey aad loo dhaliilsanaa qaabka ay u shaqeeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites