Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Traffic Police

Recommended Posts

Tababar ayaa uga socda magaala madaxda Puntland ee Garoowe saraakiil ka tirsan laanta nabad gelyada wadooyinka ee ciidamada Booliska.

 

Tababarka loo furay saraakiisha ciidamada Traafikada ayaa ah mid lagu baranayo arimo badan oo ay ku jiraan baarista shilalka khasaaraha geysta ee ka dhaca wadooyinka.

 

Waxaana bixinaya saraakiil Jabuutiyaan ah kuwaas oo ay dowladda Jabuuti soo dirtay kadib markii ay mas’uuliyiin uu madaxweynuhu ka mid yahay dhowaan dalka Jabuuti booqasho ku tageen.

 

Taraafikada oo kamid ah laamaha ugu muhiimsan ciidamada Booliska ayaan in mudo ah loo sameyn tababaro ku aadan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa si ay shaqadoodu u noqoto mid tayo leh.

 

Dhinaca kale tirada Taraafikada ayaa ah mid aad ugu yar magaalooyinka waaweyn sida Garoowe, Gaalkacayo iyo Boosaaso oo iyadu ah magaalo aad u saxmad badan shilalka gaadiidkuna ay yihiin kuwo mar walba ka dhaca.

 

Qaybo badan oo bulshada kamid ah ayaana aaminsan in hadii ciidamada Taraafikadu ay ahaan lahaayeen kuwo u shaqeeya si joogto ah islamarkaana haysta tasiilaadkii howshooda u fududeyn lahaa ay baajin lahaayeen shilal badan oo khasaare geysta.

 

Si kastaba ha ahaatee tababarka Garoowe uga socda saraakiisha ciidamada Taraafikada ee Puntland ayaa imaanaya xilli mudooyinkii u danbeeyey aad loo dhaliilsanaa qaabka ay u shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this