Liibaan Posted April 2, 2012 Duqey Biri-Mageydo Ah Ayaa Maanta Somalidiid Militia Ku Xidhay Magaalada Laas Caanood Malishiyada Labaxday Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay rag ku sugnaa magaaladda Laascaanood oo qaarkood waayeel yihiin. Cali Warsame oo ah qiyaasta Sideetamaadka waayeelka Galay ayaa ciidan uu horbaxanyo u ahaa Xaaji Jeeni yare ku garaaceen qori dabadii kadibna ay gaadhi ku tuureen iyagoo rasaas ku furay dumar ka xanaaqay qaabka loola dhaqmaayo odaygaas. Waraysiyo dheer ka dib waxaa laga soo xigtey qaar ku dhowdhow Jeeni yare inuu odaygaasi u xidhmay inay ilmaadeer yihiin Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash madaxweynaha maamulka Khaatumo. Lama garanayo sababta qaabka noocan ah uu adeegsanayo in kasta oo lala xidhiidhin karo canaan kaga imaanaysa dhinaca magaaladda Hargeysa oo lagu eedaynayo inuusan keenin dadkii wax ku oolka ahaa tanina ula muuqatay inay tahay talaabo wadahada furi karta ayay dadbadani qabaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites