Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Professor Abdullahi Axmed Cadow rejects galkacyo and Garowe accords

Recommended Posts

Mudane Cabdullaahi Axmed Caddow oo kasoo horjeestay ay Madaxda Soomaalidu ku gaareen Garoowe iyo Gaalkacyo

 

Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — C/llaahi Axmed Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed laba jeer oo horena u soo tartamay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay heshiisyadii ay madaxda Soomaalidu ku gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Caddow wuxuu si aad ah uga soo horjeestay qodobka ku saabsan xulidda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan sharciga waafaqsanayn inay xildhibaannada soo xulaan dad murashaxiin ah oo doonaya in hadhow lasoo doorto.

 

"Heshiiska waxaa ka mid ah in odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xildhibaannada, balse markii ay soo xulaanna lasoo marsiiyo shanta xubnood ee saxiixayaasha ah, markaasna ay ka xushaan kuwii ay doonaan," ayuu yiri C/llaahi Caddow oo BBC-da wareysi siinayay isagoo ku sugan magaalada Nairobi.

 

Mr. Caddow wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay xaq u leeyihiin inay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka, go'aankana ay gaaraan guddi gaar ah oo la sameeyay, balse aysan ahayn inay go'aan ka gaaraan xubno doonaya inay hoggaank dalka u tartamaan.

 

"Siyaasiyiintu waa inay u daayaan howsha xulidda baarlamaanka odayaasha dhaqanka, haddii kalena ha caddeeyaan inay doonayaan inay ka go'an tahay inay soo xushaan ciddii ay ku shaqeysan lahaayeen," ayuu yiri C/llaahi Caddow.

 

Ugu dambeyn, Caddow oo ah murashax u taagan xilka madaxweynimo ee Somalia ayaa sheegay in arrintan uu gaarsiin doono xafiiska u qaabilsan siyaasadda QM ee UNPOS, uuna ka hari doonin arrintan oo uu ku sheegay sharci-darro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this