Dr_Osman Posted April 2, 2012 Dawladda Turkiga oo ku Dhawaaqday in ay Xafiis ka Furanayso Puntland Garoowe [RBC Radio] Dawladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Puntland dhawaan ka furanayso Xafiis ka shaqeyn doona dhanka Horumarinta kaas oo ay ka faa’iadysan doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Dawladda Turkiga ee u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun oo maanta markii ugu horeysay yimid Puntland gaar ahaana magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay xili uu Saxaafadda kula hadlaayey aqalka Madaxtooyada Puntland in ay Xafiis ka furanayaan Puntland kaas oo ka shaqeyn doona hawlaha dhinaca horumarinta. Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa sheegay in Xafiiska ay ka furan doonaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyadoona ay ka hawlgeli doonaan dhamaanba hay’adaha Turkiga kuwaas oo caawin doona Iskuulada,Isbitaalada,mashruucyo biyo gelin ah ee kuyaala deegaanada Puntland oo idil. Waxa uu xusay in aysan hay’adaha caalamiga ah soo marsiin doonin kaalmada ay ugu talagaleen Puntland ama wakiil ka dhigan doonin taas badalkeedana ay hawsha horumarinta iyagu qaban doonaan. .….”””” Maanta waxaan Jeclaan lahaa in aan ku dhawaaqo in Dowladda Turkiga Xafiis horumarineed ka furan doonto magaalada Garoowe,Xafiiskaan waxaa ka shaqeyn doona dhamaan Hay’adaha oo caawin doona Isbitaalada,Iskuulada iyo Biyaha.Si toos ayaan halkan uga shaqeyn doonaan si toos ah ayaan caawimaad usoo gudbin doona,Hay’ad caalami ah masoo marsiin doono kaalmadeena…”””ayuu yiri. Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole iyo Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa kulan ay ku yeesheen Garoowe waxa ay kawada hadleen arrimaha dhanka horumarinta sida Siyaasada iyo mashaariic horumarineed oo Turkigu laga filayo in uu ka sameeyo deegaanada Puntland. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso 1 Response for “Dawladd Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 2, 2012 Excellent news Turkey, The development office will be a great addition to the state and more development offices need to open up to progress this nation Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted April 2, 2012 Another example of Turkey standing true to its word, well done to the Turks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 2, 2012 Dr osman Puntland is a clan fiefdom its not a nation its a tribal state in north Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 2, 2012 .….”””” Maanta waxaan Jeclaan lahaa in aan ku dhawaaqo in Dowladda Turkiga Xafiis horumarineed ka furan doonto magaalada Garoowe,Xafiiskaan waxaa ka shaqeyn doona dhamaan Hay’adaha oo caawin doona Isbitaalada,Iskuulada iyo Biyaha.Si toos ayaan halkan uga shaqeyn doonaan si toos ah ayaan caawimaad usoo gudbin doona,Hay’ad caalami ah masoo marsiin doono kaalmadeena…”””ayuu yiri. Quote Share this post Link to post Share on other sites