Dr_Osman Posted April 2, 2012 Dekada Magalada Bosaaso oo horumar ballaaran laga sameeyay Madaxda Wasaarada Dekadaha iyo gadiidka bada Puntland ayaa shaaca ka qaaday Dekada magalada Bosaaso in lagu soo kordhiyay qalab casri ah oo dhanka amaanka iyo arimaha kale ee ka socda dekada ka qayb qaadanaya. Wasiirka Dedakaha iyo gadiidka bada Dowlada Puntland Eng.Siciid Maxamad Raage oo saxaafada ugu waramayay magalada Bosaaso ayaa sheegay howlaha baaxada leh ee ka socda dekada magalada Bosaaso inuu yahay mid lagu doonayo sidii kor loogu qaadi lahaa bilicsamadi dekada iyo waliba balaarinta,wuxuna intaasi ku daray qalabka casriga ah ee la keenay dekada inuu yahay mid wax badan ka tari doona howlaha ka socda xarunta dhaqalaha Puntland. Qalabka Casriga ah ee la keenay dekada magalada bosaaso ayaa waxa uu yahay mid si toos ah ula soconaya amaanka iyo dhaq dhaqaaqa gudaha dekada waxaana qalabkaasi la yiraahdaa CCTV , sida uu sheegay wasiirka dekadaha ee Puntland. Dhinaca kale Wasiirka Bada Puntland waxa uu sheegay mashruucaani ka qayb qaadanaya horumarka dekada bosaso inuu yahay mid kasoo baxay Dowlada Jaban basle Puntland ay soo gaarsiisay Hay'ada WFP. Ugu danbayntii Wasiirka bada Waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magalada Bosaaso in looga baahan yahay ka qayb qaadashada bilic kusoo celinta dekada ugu wayn Puntland ee Bosaaso . Cali Cabdicasiis Ducale Dunidaonline-Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 2, 2012 Good job ports minister, good to see bosaso is taking some of garowe initiatives to equip its roads with CCTV which has definitely helped the city manage its security alot more efficiently and effectively Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 2, 2012 Where are the pictures Dr osman? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 2, 2012 Great job indeed, Bossaso expansion is noted. Quote Share this post Link to post Share on other sites