Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Ucid party leader faisal ali waraabe meets Finnish parliament speaker+:PICS

Recommended Posts

Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbajoogga JSL iyo Faysal Cali Waraabe oo la kulmay Speaker-ka Finland, Mr Eero Heinöluoma.

 

Guddoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Saleebaan Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka Finland ayaa 30kii March, 2012 la kulmay Guddoomiyaha Baarlamanka dalka Finland, Mr Eero Heinöluoma. Masuuliyiintani waxay kala hadleen speaker-ka baarlamaanka Finland xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dalka JSL iyo wadanka Finland. Gudoomiyaha Xisbgia UCID Eng. Faisal Ali Waraabe iyo Mudane Saleebaan Maxamed Faarax waxay warabixin buuxda ka siiyeen Gudoomiyaha Baaarlamanka Finland ninka la yiraahdo Eero Heinäluoma horumarka Somalialand ku talaabsaty 21 kii sandadood ee la soo dhaafay ee xagga dimoqraadiyadda, dhaqaalaha, iyo nabadgelyadda. Md. Faisal Iyo Saleebaan waxay uu Guddoomiyaha sidoo kale kala hadleen qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, horumarka ay samaysay iyo xuquuqda dunidda kaga maqan.

Speaker-ka baarlamaanka Finland wuxuu ku amaanay dawladda Somaliland Dimoqraadiyadda, nabadgelyada iyo horumarka ay ku tallaabsatay, waxaanu ku hambalyeeyay xukuumadda JSL ee uu gadhwadeenka ka yahay Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo) ka qaybgalka shirkii dhawaan ka dhacay dalka UK ee lagaga hadlay nabadgelyada Somalia, isla markana wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

 

Speaker-ka baarlamaanka Finland wuxu sheegay inay dhawaan wefti usoo dirayaan dhawaan dalka JSL si looga wada hadlo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac iyo waliba taageerada ay dawladda Finland u fidinayso Somaliland.

Dhinaca kale marka la eego labadan xubnood waa Gudoomiyaha Xisbigga Ucid Eng. Faisal Cali Waraabe iyo Gudoomiyihii hore ee Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Faarax iyo Gudoomiyaha Baarlalamaanka Finland Mr. Eero Heinäluoma ma aysan ahayn wejiyaal isku cusub, laakiin waxay ahaayeen saaxibayaal muddo dheer ka soo wada shaqeeyey arimaha xagga siyaasadda iyo arimaha bulshadda ee wadanka Finland. Waxay labaduba ka tirsansan jireen oo illaa hadda ay xubno International ka yihiin Xisbiga Social Democratic Party-ga Finland. Halka Gudoomiye Eng. Faisal Cali Waraabe uu hore u ahaan jiray Gudoomiyihii Somaliland Social Democratic Party-ga Finland, Mudane Saleebaana uu ahaa Gudoomiye ku-xigeenkiisa.

Mr. Eero Heinäluoma, Gudoomiyaha Baarlamaanka Finland wuxuu hore u ahaan jiray Ra’iisal Wasaare ku- xigeen iyo Wasiirka Maaliyadda ee Finland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this