Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Former governor of hargeysa Xamarji is innocent release him now

Recommended Posts

Darawlakii Fooxle oo qarxiyay sir culus oo musuq maasuq oo la xidhiidha Raashinkii xukumaddu dhacday

 

Written by Qaran news

Apr 01, 2012 at 10:38 AM

Dirawalkii Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliland Oo Sheegay In Mr Fooxle U Soo Bandhigay Inuu Markhaati Been Ah Ku Furo Masuuliyiinta Musuqa U Xidhan Qaatana $ 30,000 Doolar

 

Hargeysa,(Qaran news)- Faysal Aaden Bojaar oo ahaa dirawalkii gaadhiga taliye ku xigeenka booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa soo bandhigay dalab kaga yimid Taliye ku xigeenka, kaasi oo la xidhiidha inuu saddexdii masuul ee loo xidhay eedaymaha musuqmaasuq uu markhaati been ah ku furo.

 

Faysal Aaden Bojaar waxa uu sheegay in Taliye ku xigeenka boolisku ka codsaday inuu markhaati been ah ku furo masuuliyiintaasi, lana siin doono lacag dhan $ 30,000 doolar arintana ay Madaxtooyadu danaynayso.

 

Dirawalkan oo ka mid ah ciidamada booliska Somaliland isla-markaana ahaa dirawalka gaar ah ee taliye ku xigeenka booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arintaasi ka biyo diiday una sheegay taliye ku xigeenka in aanu arintaasi samaynayn maadaama oo uu umadda u dhaartay sanadkii 1993-kii.

 

Fadeexadan ka soo if-baxday taliska guud ee booliska iyo Madaxtooyadda ayaa sidoo kale waxa la sheegay in Taliye ku xigeenka booliska Somaliland Mr Fooxle uu beeniyey in arintaasi jirto ka dib markii uu khadka telefoonka kula hadlay telefiishanka ROYAL 24 oo ka mid ahaa hay’adaha warbaahinta ee joogay shirka jaraa’id ee uu qabtay dirawalku.

 

Warkan ayaa fadeexad culus ku ah xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo si kedis ah xabsiga u dhigtay masuuliyiinta eedaymaha musuqmaasuq lagu eedeeyay oo ay xilka markiiba ka qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat buur madoow iyo xamarji wa ii saminyihin midna aderkey maha midna inadeerkey maha

Laakin xamarji qalad ba lugu haystamida labaad xamarji wa wiil dhaliyaro ah oo aad u firfircoon i like dhaliyarada soo koraya inay xilalka dalka ka qabtan, Odaygan buurmadow odayg kheyr badan wada maha halkisa ha ku xidhnaado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this