Liibaan Posted April 1, 2012 Somaliland oo Wariye Axmed Cali Faarax Ku Xidhay Laascaanood- Lasanod Online. Saturday, March 31, 2012 Laascaanood,(lasanod Online)- Waxaa maanta xabsiga loogu taxaabay magaalada Laascaanood, Wariye Axmed Cali Faarax oo ah wariye caan ah.. oo ka hawl geli jiray deegaanka Khaatumo. Mamaulka Somaliland ee gacanta ku haya xaruunta Gobolka Sool ee Laascaanood oo caadaystay Tacadiga Warbaahinta Ka hawl Gasha Magaaladaasi ayaa Maanta Xabsiga Dhigay Wariyahaas,kaasi oo haatan ka hawl Geli JIray Telefishinka Royal TV. Xadhiga Wariyahan waxaa ka danbeeyey Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Xaaji Jeeni Yare, kaas oo Caadaystay Cabudhinta Warbaahinta Ka hawl Gasha Gobolka Sool. Axmed Cali Faarax waxa uu ahaa Wariye ruug cadaa ah oo kasoo Shaqeeyey Warbaahinta qaybeheeda Kala Duwan. waxaana lagu xasuustaa axmed wax qabadkiisa kii ugu danbeeyey oo ahaa kaalin wayn uu ka Ciyaaray baahinta wararka shirkii Khaatumo 2. Wariyaha ayaa la sheegay in maanta duhurnimadii ay bartamaha magaalada ka kaxeysteen maleyshiyaad uu watay gudoomiyaha gobolka Sool ee Jeeniyare. Maamulka Hargeysa ayaa mudooyinkii u danbeeyay cadaadis xooggan waxa uu saaray saxafiyiinta ka howlgasha deegaanka uu ka arimiyo maamulkaasi, yadoo ay arintaasi keentay in goobaha uu maamulkaasi ka taliyo ay isaga cararaan wariyeyaal ka hawlgeli jiray, maadaama uu maamulkaasi xadgudub ba’an ku hayo saxaafadda xorta ah. Wariye Axmed Cali Faaarax waxa uu in badan ku sugna Magaalada Taleex, isagooa hada Laascaanood u yimid inuu Booqdo qoyskiisa oo mudo bilo ah aanu arag. Copyright © 2012 Lasanod.com Quote Share this post Link to post Share on other sites