kingofkings Posted March 31, 2012 Waxaa maanta xarigga laga jaray mid kamid ah wadooyinka magaalada Garoowe oo bilihii u danbeeyey dayactir lagu wadey. Mashruuca jidkan lagu dayac tiray ayaa qayb ka ah mashaariicda horumarinta degmooyinka ee JPLG kuwaas oo ay Garoowe kamid tahay degmooyinka laga hirgeliyey . Munaasabadii wadadan xarigga looga jarayey waxaa kasoo qab galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo madax ka socota hay’adaha bixiya dhaqaalaha mashaariicda JPLG-ga. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor), wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’daha ku deeqay dhaqaalaha ku baxay masharuuuca wadadan lagu dayactiray. Duqa Garoowe waxa uu sheegay in mashruucani uu ku jiro mashaariicdii JPLG iyo sanadkii 2011, isagoo xusay in wadada maanta xarigga laga jaray ay isku xirto xaafadaha Wadajir, Hodon iyo Waaberi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 31, 2012 Wasiir ku-xigeenka 1-aad ee wasaaradda arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer meyiga ee Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo isagu wadadaas xarigga ka jaray ayaa ugu danbeyntii hadalka qaatay. Cali-Xoosh ayaa sheegay in jidkani uu yahay mid waxbadan ka tari doona horumarka degmada haseyeeshee loo baahan yahay in mashaariicda noocan oo kale ah lasii dardar geliyo si jidadka magaalada oo dhan looga dhigo kuwo hagaagsan. Dhegeyso codka duqa Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 31, 2012 Dhegeyso codka Patric Patric oo ah madaxa hay’adaha UN-ka u qaabilsan mashaariicda JPLG oo isna munaasabadaas kasoo qayb galay ayaa u mahad celiyey bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo shirkaddii la siiyey qandaraaskii jidkaas lagu dayac tiray. Wuxuuna ku booriyey maamulka degmada inay sanad walba sameeyaan howlo noocan oo kale ah si jidadka magaalada looga dhigo kuwo wanaagsan sanado badanna sii shaqeyn kara. Quote Share this post Link to post Share on other sites
kingofkings Posted March 31, 2012 Dhegeyso codka Wasiir ku-xigeenka Garooowe waxay kamid tahay degmooyinka 7-ada ah ee uu ka shaqeeyo barnaamijka JPLG, waxaana mashaariic kan lamid ah horay looga soo fuliyey magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso iyo Qardho. Quote Share this post Link to post Share on other sites