Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president opens Shifo hospital in hargeysa+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaal Casriya Oo Lagu Magacaabo Shifo Hospital.

 

"imika markaynu maraynay Cusbitaalka waxaan u haystay Cusbitaalkii Dubay ku yaalay oo" Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargeysa (GNS)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Cusbitaal cusub, isla markaana ah Cusbitaal aad u balaadhan laguna diyaariyey qalabyadii Caafimaadka ee kala duwanaa.

 

Xaflada Furitaanka Cusbitaalkan loo qabtay oo ka dhacday xarunta Cusbitaalkaasi oo ku yaala Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa ka waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici ), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Sh. Maxamed Aadan, Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), Dr. Cali Maxamed (Aas aasaha Cusbitaalka), Dr. Cabdi C/laahi Cali.

 

Ugu horeyn markii uu Madaxweyne ku xigeenku xadhiga ka jaray Cusbitaalka waxa uu aas aasaha Cusbitaalka Dr. Cali Maxamed soo kala tusay qaybaha kala duwan ee Cusbitaalku ka kooban yahay.

Xaflada furitaanka oo uu ugu horeyn ka hadlay Dr. Cali Maxamed oo ah aas aasaha Cusbitaalka, isaga oo u mahadnaqay dhamaan dadkii kala shaqeeyey sidii uu u hir gali lahaa Cusbitaalkani, waxaana hadaladii Dhakhtarka ka mid ahaa “Dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, rayigan dhisitaanka Cusbitaalku waxa uu igu dhashay 11-sano ka hor, waxaanan bilaabay sanadkii 2003-dii, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa Eng. Cismaan oo isagu iga caawiyey Riiga, isla markaana aan ilaa hada I weydiin wax lacag ah oo aan biyaha uun iska dhurto, waxaanan sidoo kale u mahadnaqayaa Cawil oo isna ah Qolada Carwada oo waxa qalab ee Cusbitaalka yaala aan ka soo qaatay, sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cid alaale iyo cidii igala qayb qaadatay sidii Cusbitaalkani u hir geli lahaa”.

 

Dhakhtarka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan sidoo kale ku dedaalayaa sidii Ardeyda Jaamacadaha ee wax lagu barayo Cusbitaalkan aan sidoo kale u bari lahaa Diinta,isla markaana in Cusbitaalkan wax lagu baro Ardeyda jaamacadaha Diyaar ayaanu u nahay, waxaanan halkan ka balan qaadayaa in 100 Sariiroodba toban sariirood bilaash ka dhigi doono, taasina sida loogu qaybinayo Culimada ayaan u dhiibayaa.

Xanuunka Fistulaha ee isku furanka Haweenka waxaanu diyaar u nahay in aanu halkan ku daweyno, sababta oo ah habka loo daweeyo xanuunkan waxaan ku soo qaatay Tababarkiisa dalka Itoobiya”.

Guuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Kolay waxan aan ka hadlayo ee Dhakhtarnimadu shaqadayda maaha.

Dhakhtar Cali (aas aasaha Cusbitaalka) fasalkii koowaad ayaanu isku galaas ahayn, waxaanu naga tagay fasalkii sideedaad waxa uu tagay Banaadir oo Boobe ayey isku fasal ahaayeen markaa waxa uu soo bartay dhakhtarnimada”.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Markaad halkan (Cusbitaalka Shifo) joogtid, waxaad moodaysaa inaanad Hargeysa ku sugnayn oo Lacagtu markay wax tarto waa markay ku jirto qof Caqli leh oo hagaajinaya, imisa qof ayaa maanta lacag badan haysta oo intay iska kaydsadaan marka laga dhinto la isku dilaa? Aadbay u badan yihiin”.

 

Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waano badan oo dhinaca Caafimaadka ah Bulshada u soo jeediyey waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “ Munaasibadan Cusbitaalka Shifo maanta lagu furayo waa mid taariikhi ah waxaanan leeyahay marka hore ILAAHEY ka dhigo Cusbitaalkii Barako leh oo bulshada wax u tara.

 

Ka Wasaarad ahaan waxa naga go’an in la koriyo Cusbitaalada gaarka loo leeyahay, waayo ma jirto Awood ay Xukuumaddu ku *****sho baahida caafimaad ee Bulshada.

Dhibaatada uu leeyahay Cusbitaalada dibadaha loo tago maaha mid la soo koobi karo oo anigaygan idinla hadlaya wiil aan dhalay oo kalyaha dhagxaan fadhiisteen oo aan Itoobiya geeyey waxa dhibaato iga qabsatay maaha mid la malayn karo.

 

Bulshada waxaan kula talin lahaa in xanuun dalka wax lagaga qaban karo aanay dibadaha ula yaacin, waxaanan sidoo kale talada ugu dari lahaa in ay Dhakhaatiirta ixtiraamaan, waayo waxaad arkaysaa dad badan oo dhakhaatiirtii wax u qabanaysay la dagaalamaya, dadkeenu markay tagaan Itoobiyana iyaga oo Sideedii Cusbitaalka soo fadhiistay ayaa shanta galabnimo markay gaadho lagu yidhaahdaa Dhakhtarkii hawl buu yeeshay ee iska taga markaasaanay hadal soo celin halkana waxa laga yaabaa in ay Dhakhtarkii wax u tarayey la dagaalamaan, markaa Bulshadeena waxaan leeyahay il baqata ha yeelaninee il xishoota yeesha.

 

Dadkeena ILAAHEY wax siiyey waxaan kula talin lahaa in aanay bariis iyo sonkor uun dhaqaalaha galin ee ay waxyaabaha kale ee Bulshada anfacaya galiyaan.

 

Agaasimaha Hay’adda samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Cusbitaalkan dhisitaankiisa ay aad ugu faraxday, isla markaana uu yahay mid kafayn doona baahiyo badan oo dibadaha loo tagi jiray.

Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Suldaanada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Dr. Cali oo ah aas aasaha Cusbitaalkan oo aan ILAAHEY uga baryayo inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, waxaanan Xukuumadda ku boorin lahaa Cali waxa ka soo fogeeyey in Cusbitaalka ka dhiso magaalada meel ka baxsan waa dhibaato dhul, waayo meeshii la siiyey waa lagu dhibay, meeshan ficil baa lagu siiyey oo markii halkii hore ee uu iibsaday lagu qabsaday ayuu iska daayey oo halkan ayuu Cusbitaalka ka dhisay.

 

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyey Cusbitaalkan cusub, waxaanu ILAAHEY uga baryey inuu ka dhigo Cusbitaal Bulshada wax weyn tara.

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyn ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaana hadaladii Madaxweyne ku xigeenka ka mid ahaa “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Dhakhtarka mudada badan u soo samrayey dhisitaankiisa, waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay in hada ay dhakhaatiirtii dalka u dhalatay dalka dib ugu soo noqdaan si ay u maalgashadaan dalkeenan curdinka ah, imika markaynu maraynay Cusbitaalka waxaan u haystay Cusbitaalkii Dubay ku yaalay oo wakhti aan yara xanuunsaday daweyntiisa u tagay.

 

Dadka Somaliland waxaan leeyahay dalkiina aamina oo xanuun dalka gudihiisa wax lagaga qaban karo dibada ha u tagina”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

we need more of that,Schools,hospitals,self sufficiency in food,water projects etc..could all be done without a penny from outside.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this