Maaddeey Posted March 30, 2012 Degmada Maxaas oo Dib ugusoo laabatay gacanta Muslimiinta. Friday, 30 March 2012 11:29 Abuu Dar Hits: 223 E-mail Print PDF amiirnuur.comCiidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Maxaas ee wilaayada Hiiraan kadib dagaal culus oo ay lagaleen maleeshiyaad mushrikiin Amxaaro kalkaal ah. Wararka nagasoo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi ay ku suganyihiin ciidamada wilaayada Hiiraan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka. Sarkaal katirsan Maktabka warfaafinta Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in gacan ku heynta Maxaas ay gacanta islaamka kusoo laabatay. Lawareegista Maxaas ayaa timid kadib markii ciidamada muslimiinta ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen cadawgii degmada ku sugnaa. Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa garabka Mushrikiinta ka baxay arrintan ayaa muujinaysa in gacan ku heynta deegaano cadawgu lawareegeen ay si tartiib tartiib ah ugusoo laabanayaan gacanta Muslimiinta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 30, 2012 Al-Shabaab oo dagaal kooban dib ula wareegay degmada Maxaas Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta la wareegay degmada Maxaas oo labadii maalmood ee u dambeeyay ay gacanta ku hayeen Ciidamada Ahlusuna oo wehliyay Ciidamo Itoobiyaan, inkastoo Ciidamada Itoobiya ay ka gudbeen degmada Sarkaal ka tirsan Ahlusuna oo la yiraahdo Aadan Cabdulle Cawaale ayaa sheegay in markii hore ay iyaga fariisin ku lahaayeen saldhig ku yaala duleedka Maxaas, isla markaana ciidamadooda gudaha ugu jirin degmada. "Wax degmada dagaal ka dhacay ma lahan, nimankan qaab kale ayay bilaabeen inay u soo weerareen meel aan saldhig ku laheyn ayay soo weerareen"ayuu yiri Aadan Cabdulle Cawaale. Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in degmada ay gacan ku heynteeda ay dib ula wareegeen, isla markaana ay u daba mareen. Ciidamada Itoobiya ayaa degmada Maxaas dhinac ka maray, iyagoo dhinaca Wabxo iyo deegaano kale ku sugan, halkaasoo ay uga sii wajahan yihiin Ceeldheer. Shabaabka ayaa horay isaga baxay degmadaas, intii Ciidamada aanay soo gaarin, waxaase markii dambe degmada yimid Ciidamo kaliya oo Ahlusunada Hiiraan ah oo aanay wehlin Ciidamada Itoobiya. Lama oga sida ay Shabaabka ugu suurta geli karto inay degmada ku sii sugnaadaan iyadoo Ciidamada Itoobiya ay deegaano ka horeeya ku sugan yihiin. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacedoon Posted March 30, 2012 First they run away from Maxaas. After ethiopians left the town, shabaab came back. lol You call that '' La wareegay''? Quote Share this post Link to post Share on other sites