Shinbir Majabe Posted March 29, 2012 Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa. Wareegtadan oo Lambarkeedu ahaa 086 kuna taariikheysneyd 28/03/2012 cinwaankeeduna ahaa Xil Ka Qaadis Wasiir ayaa lagu yiri:- Markuu arkay:- Qodobka 44aad,xubintiisa 3aad ee Axdiga kumeel gaarka ah. Markuu arkay:- Qodobka 2aad sharci lam.14 ee 3di juun 1962kii iyo wax ka baddalkii ka danbeeyey ee Nidaamka Dowladda (Ordinamento del Governo). Markuu tixgeliyey:- Soo jeedintii Ra’isulwasaaraha, Sumad XRW/412/03/2012 kuna taariikheysan 20ka Maarso 2012ka oo ku saabsan xil gudasho la’aanta Wasiirka Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Asagoo Aqoonsaday:- in ay waajib tahay in shaqada Qaran loo guto si hufnaan,Amaano iyo karti ku dheehanyihiin. Wuxuu Soo Saarayaa Xeerkan:- Qodobka 1aad Waxaa xilkii Wasiirnimo ee uu hayey laga qaaday: Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha,Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa. Qodobka 2aad Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa isla marka uu saxiixo Madaxweynaha, waxaana lagu soo saarayaa faafinta Rasmiga ah ee Dowladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shinbir Majabe Posted March 29, 2012 Wasiirkaan waxaa laga badalay xilkii Wasaarada Arimaha Dibadda, haddana waxaa laga qaaday xilkii Wasaarada Beeraha. Wuxuu hadda ka hor si qaldan kusoo saaray wareegto aqoonsigi loogala laabanay Maamulka Goboleedka Khaatumo. Lama oga sababaha keenay in xilka laga qaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 29, 2012 Hmmm... Dhib ma leh!, waqtigiisa waa qaatay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 29, 2012 One of the political casualties of Khatumo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdul Posted March 29, 2012 He needs to go back to North London and re-claim his old primary school teaching job. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted March 29, 2012 Seefti ayaa lakacday dheh, but reassure the poor lad that all of the rest will get the bounce in few months time. Quote Share this post Link to post Share on other sites