Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Foreign Minister Dr.Abdulkadir Abdi Hashi in Canada

Recommended Posts

Kanada: Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Dowladda Puntland oo booqday Xarunta SCERDO

 

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowlad goboleedka Puntland Dr.Abdulkadir Abdi Hashi ayaa maanta booqdey xarunta Hay’adda waxbarashada & horumarinta Reer miyiga ee SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka Canada.

 

Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan howlwadeenada Hay’adda iyo dhalinyarada tababarku uga socdo xarunta SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ay qabato Hay’addu kusiiyay wasiirka gudoomiyaha gudiga fulinta Bashiir Haaji Cali (Jamaal) isagoo uga waramay mashaariicda Hay’addu ay ka fuliso Dalkan Canada gaar ahaan magaalada Edmonton iyo Somalia.

 

Wasiirka ayaa ugu horrayntii la kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar xagga shaqada iyo hogaaminta toosan lagu barto uga socdo xarunta SCERDO, isagoo wasiirku u jeediyay dhallinyaradaas khudbad dheer oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay maamul wanaaga, caddaaladda,wadajirka iyo isutanaasulku.Waxaa kale oo wasiirku uga warramay dhallinyarada horumarka uu gaadhay maamulka Puntland gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maamulwanaaga, laddagaallanka budhcad-badeedka iyo argagixisada caalamiga ah.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale uga xogwarramay hawlwadeennada SCERDO iyo dhallinyarada tababarku u socdo geeddi-socodka nabadda soomaaliya gaar ahaan qaraarkii lagu gaadhay shirkii London kuwasoo uu wasiirku ku tilmaamay in haddii la dhaqangaliyo qodobaddaas noqonkara kuwo ka saara ummadda soomaaliyeed dhibaatada nabadgalyo xumo ee dalka ka jirtay 20 sano ee la soo dhaafay.

 

Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee Dowladda Puntland Dr. Abdulkadir Abdi Hashi. ayaa ugu danbayntii ku adkeeyay dhallinyarada in ay ka faaiidaystaan fursaddan ay haystaan ee nabadgalyo, waxbarasho isla markaana kula dardaarmay in ay hamigooda tiigsadaan oo mustaqbalka noqdaan kuwii u barbaarilahaa dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa ku ammaanay hay’adda SCERDO sida hagarla’aanta ah ee ay u caawiso dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku cusub gaar ahaan mashruucan shaqo-qorista isagoo wasiirku u sheegay in aanay fursaddan oo kale helin dhallinyaradii iman jirtay dalkan Canada sannadihii hore. Dr. Abdulkadir ayaa kula dardaarmay dhallinyarada in ay ka qaybqaataan hawlaha hay’adda SCERDO fuliso wakhtiga ay firaaqada leeyihiinna ugu shaqeeyaan si tabaruc ah. Dhalinyarada ayaa khudbada kadib su’aalo ku saabsan xaalada Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan gobolada Dowladda Puntland ku weydiiyay isagoo wasiirku si fiican uga wada jawaabay.

 

Gabagabadii shirka ayaa waxaa shahaado sharaf guddoonsiiyay wasiirka guddoomiyaha guddiga fulinta ee SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal). Wasiirka ayaa isagu ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada gaar ahaan magaaladaEdmonton ee gobolka Alberta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this